HomeCaalamkaAntonio Guterres oo mar kale loo doortay Xoghayaha Guud ee Q/Midoobey

Antonio Guterres oo mar kale loo doortay Xoghayaha Guud ee Q/Midoobey

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay  waxay xalay u codeeyeen inuu Antonio Guterres xilkaasi sii hayo shanta sano ee soo socota. Danjiraha Dowladda Estooniya u fadhiya Xarunta Dhexe ee QM, Ambassador SEVEN JURGENSON oo ah Guddoomiyaha bishan ee Golaha Ammaanka ee QM ayaa akhjriyey Qaraarka ka soo baxay Golahaasi oo tirsigiisu ahaa 2580. Waxa uu ku […]

- Advertisement -

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay  waxay xalay u codeeyeen inuu Antonio Guterres xilkaasi sii hayo shanta sano ee soo socota.

Danjiraha Dowladda Estooniya u fadhiya Xarunta Dhexe ee QM, Ambassador SEVEN JURGENSON oo ah Guddoomiyaha bishan ee Golaha Ammaanka ee QM ayaa akhjriyey Qaraarka ka soo baxay Golahaasi oo tirsigiisu ahaa 2580.

- Advertisement -

Waxa uu ku dhawaaqay Dib-u-doorashada Xoghayaha Guud ee QM oo u dhashay dalka Bortiqiiska oo uu xilli hawleedkiisa labaad u bilaaban doonto bisha Janaayo Kowdeeda ee sanadka soo socda ee 2022-ka ilaa bisha December ee sanadka 2026-ka.

Dhinaca kale, Golaha Guud ee QM ayaa la filayaa inay bishan June 18-da kulan ka yeeshaan Dib-u-doorashada labaad ee Xoghayaha Guud ee QM.

Antonio Guterres oo 72-sano jir ah waxa uu Xoghayihii Guud ee 9-aad ee QM noqday sanadkii 2017-kii, wuxuuna horey muddo 10-sano ahaa Madaxii Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR.

- Advertisement -

Waxa kale oo uu soo noqday Ra’isul-wasaarihii dalka Bortiqiiska muddadii u dhexeysay sanadihii 1995-kii ilaa 2002-dii.

Latest stories