HomeCaalamkaTaliyihii Afgmbiyey Dowladii dalka Maali oo loo dhaariyey Xilka Madaxweynaha

Taliyihii Afgmbiyey Dowladii dalka Maali oo loo dhaariyey Xilka Madaxweynaha

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Kolonel Assimi Goyta oo labo jeer Afgembi ku qabsaday Talada dalkaasi ayaa waxaa maanta loo xil-saaray Madaxweynaha Ku-meel-gaarka ee dalkaasi, inkastoo ay Beesha Caalamka cambaareeyeen falkii uu Talada dalka ee uu xoooga kula wareegay bishii la soo dhaafay ee Meey.   Madaxweyne Assimi Goyta oo 37 jir ah waxa uu horey Ku-xigeen u ahaa Madaxweynihii […]

- Advertisement -

Kolonel Assimi Goyta oo labo jeer Afgembi ku qabsaday Talada dalkaasi ayaa waxaa maanta loo xil-saaray Madaxweynaha Ku-meel-gaarka ee dalkaasi, inkastoo ay Beesha Caalamka cambaareeyeen falkii uu Talada dalka ee uu xoooga kula wareegay bishii la soo dhaafay ee Meey.

 

- Advertisement -

Madaxweyne Assimi Goyta oo 37 jir ah waxa uu horey Ku-xigeen u ahaa Madaxweynihii Ku-meel-gaarka ee dalkaasi, BAH NADOW iyo Ra’isul-wasaare Mukhtaar Coon, kuwaasi oo uu dabayaaqadii bishii hore Talada kala wareegay, isagoo ku eedeeyey inaysan kala tashanin Isku-shaandheyntii ay Xukuumadda ku sameeyeen.

Madaxweynihii iyo Ra’isul-wasaarihii hore ee dalka Mali waxay iska casileen Xilka, kadib, markii uu Kolonel Assimi Goyta muddo kooban Xabsiga dhigay.

Waa afgembigii labaad ee uu talada dalkaasi ku qabsado, isagoo Madaxweynihii hore loo doortay ee Ibraahjim Bubakar Kayta xilka ka tuuray bishii Agost 18-dii ee sanadkii hore ee 2020-kii.

Latest stories