HomeCaalamkaIn ka badan 30 qof oo ku geeriyootay Shil Tareen oo saaka...

In ka badan 30 qof oo ku geeriyootay Shil Tareen oo saaka dhacay

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Waaberigii hore ee saakayto ayaa waxa uu Shil Tareen ka dhacay meel ku dhow Degmadda Ghotki ee dalka Pakistan. Sida laga soo xigtay Saraakiisha Tareenada waxay sheegeen inay ugu yaraan 30 qof oo rakaab ah ku geeriyoodeen shilkaasi, halka ay 50-kalena ku dhaawacmeen. Labo Tareen oo nooca dheereeya ayaa la sheegay inay shilka ku galeen […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Waaberigii hore ee saakayto ayaa waxa uu Shil Tareen ka dhacay meel ku dhow Degmadda Ghotki ee dalka Pakistan.

Sida laga soo xigtay Saraakiisha Tareenada waxay sheegeen inay ugu yaraan 30 qof oo rakaab ah ku geeriyoodeen shilkaasi, halka ay 50-kalena ku dhaawacmeen.

- Advertisement -

Labo Tareen oo nooca dheereeya ayaa la sheegay inay shilka ku galeen injta u dhexeysa Bosteeooyinka Tareenada laga raaco ee Raiti iyo Obara, iyadoo ay qalibmeen 14 Rimoor oo ay Tareenada jiidayeen.

Ilo ka tirsan Boliska waxay sheegeen in laga cabsi qabo inay tirada dhimashada sii korodho, iyadoo dad badan ku hoos xaniban yihiin Tareenka qalibmay.

Dhinaca kale, Ra’isul-wasaaraha Pakistan, Imran Khan waxa uu ka tacsideeyey dadka ay waxyeelladu ka soo gaartay shilkaasi, isagoo u tacsideeyey qoysaska dadkii ku geeriyooday Shilka Tareen.

- Advertisement -

Qoraal uu soo dhigay Twitter-kiisa waxa uu ka codsaday Wasiirka Tareenada inuu degdeg u booqdo goobta uu shilku ka dhacay iyo inuu hubiyo in Taageero Caafimaad la siiyey Dhibanayaasha dhaawacmay iyo in la caawiyo qoysaska ay dadka kaga geeriyoodeen shilkaasi.

RW Pakistan waxa kale oo uu amray in Baariaan dhab ahj lag sameeyo badqabka waddada Xadiidka ee ay Tareenada adeegsadaan.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts