HomeWararAkhriso:-Tirada laga saaray Guddiyadii Doorashooyinka ee cabashada laga keenay

Akhriso:-Tirada laga saaray Guddiyadii Doorashooyinka ee cabashada laga keenay

Date:

Related stories

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Guddiga xaqiijinta xubnaha Guddiyada Doorashooyinka ee tabashada laga keenay ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku dhawaaqay in 34 xubnood laga saaray liiska guddiyada doorashooyinka heer Federaal, xalinta khilaafka iyo Guddiyada doorashada maamul Goboleedyada. Guddiga xaqiijinta ayaa sheegay in 34 qof oo ka mida xubnihii cabashada laga keenay ay ku sameeyeen baaritaano […]

- Advertisement -

Guddiga xaqiijinta xubnaha Guddiyada Doorashooyinka ee tabashada laga keenay ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku dhawaaqay in 34 xubnood laga saaray liiska guddiyada doorashooyinka heer Federaal, xalinta khilaafka iyo Guddiyada doorashada maamul Goboleedyada.

Guddiga xaqiijinta ayaa sheegay in 34 qof oo ka mida xubnihii cabashada laga keenay ay ku sameeyeen baaritaano dheeraad ah, isla markaana ay ku heleen eedeyntii loo soo jeediyay xubnaha oo aheyd inay yihiin shaqaale dowladood iyo xubno ka tirsan NISA.

- Advertisement -

Sidoo kale Guddiga ayaa caddeeyay in xubnaha ay u kala direen maamul Goboleedyadii soo magacaabay iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaarkood laga soo magacaabay xubnahaas oo gaaraya 34 qof.

Guddiga doorashada ee heer Federaal ayaa laga saaray 11-xubnood, Guddiga xalinta khilaafaadka doorashada ayaa laga saaray 3-xubnood iyo Guddiga doorashada Somaliland oo laaga saaray 7-xubnood.

Guddiyada doorashooyinka maamul Goboleedyada sida Puntland ayaa laga saaray 1 xubin, Galmudug 5-xubnood, Hirshabeelle 2-xubnood, Koonfur Galbeed, 3-xubnood, halka Jubbaland ay horey u soo badaleen xubin geeriyootay iyo kuwo kale oo cabasho laga keenay, waxaana Guddiga doorashada beelaha Banaadiriga laga saaray 5-xubnood.

- Advertisement -

Dhawaan ayey aheyd markii Mudiowga Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ay u gudbiyeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Rooble 67 xubnood oo ka tirsanaa Guddiyadii doorashada oo ay cabashada ka qabeen, kuwaasi oo la kala saaray.

Guddiga ayaa sheegay in muddo 48 saacadood gudahood ah ay ku soo magacaabaan xubnihii badalilahaa 34 taas qof ee uu guddigu soo gudbiyay.

Latest stories