HomeWararQM oo sheegtay in 2.7 milyan oo Soomaali ah oo wajahayaan xaalad...

QM oo sheegtay in 2.7 milyan oo Soomaali ah oo wajahayaan xaalad Bani’aadanimo oo aad u liidata

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Abaaraha iyo roob yarida ka jirta Dalka Soomaaliya ayaa ku riixeysa in ka badan 2.73 milyan oo qof in ay soo wajahan dhibaatooyin dhanka nolosha ah,sidaasi waxaa maalinimadii shalay oo Khamiis aheyd ka dhawaajiyay xafiiska UN-ka ee Isku-duwidda Hawlaha Bani’aadamnimada (OCHA) . UN (OCHA) ayaa sheegtay in roobabkii sannadlaha ahaa ee horaantii gu’ga ay xilli […]

- Advertisement -

Abaaraha iyo roob yarida ka jirta Dalka Soomaaliya ayaa ku riixeysa in ka badan 2.73 milyan oo qof in ay soo wajahan dhibaatooyin dhanka nolosha ah,sidaasi waxaa maalinimadii shalay oo Khamiis aheyd ka dhawaajiyay xafiiska UN-ka ee Isku-duwidda Hawlaha Bani’aadamnimada (OCHA) .

UN (OCHA) ayaa sheegtay in roobabkii sannadlaha ahaa ee horaantii gu’ga ay xilli dambe ka da’een qaybo ka mid ah dalka oo inta badan ka hooseeya celcelis ahaan sidii la doonaayey,taasina ay dhalisay in ay saameeyaan dalaggii la filaayey in ay soo go’aan.

- Advertisement -

 

Xafiiska ayaa sheegay in illaa bisha Setembar ee soo socota ay suurtagal tahay in dad gaaraya 2.73 milyan illaa 2.83 milyan oo qof oo ku baahsan Soomaaliya inay la kulmaan dhibaatooyin xagga nolosha ah ama natiijooyin ka sii xun oo ay sab u yihiin xaaladaha kasii daraya ee sugnaanta cuntada .

Xafiiska UN-ka ee Isku-duwidda Hawlaha Bani’aadamnimada (OCHA),ayaa sheegay in ka jawaabidda bani’aadanimada Soomaaliya ee 2021-ka ay u  baahan Tahay 1.09 bilyan oo doolarka Mareykanka ah si loogu caawiyo 4 milyan oo qof ,waxaana intaa la raaciyay in hadda oo kaliya la maalgaliyay 20 boqolkiiba.

- Advertisement -

 

Hay’adaha samafalka ayaa sii wada ka jawaabida goobaha baahiyaha ugu badan ay ka jiraan, ee ay ka mid yihiin qaybinta biyaha,fayadhowrka iyo nadaafada iyo  waxyaabaha aan cuntada ahayn sida, lacag, xafiiska UN (OCHA) ayaa sidaa yiri.

Latest stories