HomeWararMuwaadiniin Soomaaliyeed oo si sharci-darro ah ku galay Kenya oo la...

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo si sharci-darro ah ku galay Kenya oo la qabtay

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Toddobo qof oo Soomaali ah ayaa shalay lagu qabtay Waddada Weyn ee isku xirta magaallooyinka Garissa iyo Thika ee dalkaasi, xilli ay ku sii jeedeen magaalladda Nairobi. Taliyaha Boliska ee Faraca Dhexe ee Gobal-Hoosaaadka Mwingi, Peter Mutuma oo la hadlay Suxufiyiinta ayaa sheegay in dadkaasi la qabtay, xilli ay Hay’adaha isku-dhafka ee Ammaanka hawlgal ka […]

- Advertisement -

Toddobo qof oo Soomaali ah ayaa shalay lagu qabtay Waddada Weyn ee isku xirta magaallooyinka Garissa iyo Thika ee dalkaasi, xilli ay ku sii jeedeen magaalladda Nairobi.

Taliyaha Boliska ee Faraca Dhexe ee Gobal-Hoosaaadka Mwingi, Peter Mutuma oo la hadlay Suxufiyiinta ayaa sheegay in dadkaasi la qabtay, xilli ay Hay’adaha isku-dhafka ee Ammaanka hawlgal ka wadeen Jid-weynaha isku xira Thika iyo Garissa.

- Advertisement -

Taliyaha waxa uu soo bandhigay Magacyada 3-qof oo ka mid ah 7-da qof ee Soomaalida ee la qabtay, kuwaasi oo uu magacyadooda ku soo koobay:-

1- C/Casiis oo 22-jir ah,

2- Fatuma Sahra oo 29-jir ah,

- Advertisement -

3- Saalim Shukri Sheekh oo 17-jir ah, kuwaasi oo haatan lagu hayo Saldhigga Boliska Mwingi.

Waxa uu intaasi ku daray in Afarta qof ee kale ee la qabtay ay yihiin carruur ay da’dooda ka hosoeyso 10-jir.

Dhinaca kale, Taliye Peter Mutuma waxa uu tilmaamay in dadka Soomaalida ee la qabtay loo gudbin doono Maxkamadda Mwingi Court, iyadoo lagu soo oogi doono inay si sharci-darro ah ku joogeen gudaha Kenya.

Saraakiisha Ammaanka Kenya waxay tuhunsan yihiin in 7-da qof ee Soomaalida ee la qabtay ay Kenya ka soo galeen xuduudka Somalia, iyagoo ka soo gudbay Xuduudka Dhadhaab.

Latest stories