HomeCaalamkaSaldhigyada Qarsoodiga ee Nukliyeerka Maraykanka ee yaalla dalalka Europe oo la shaaciyey

Saldhigyada Qarsoodiga ee Nukliyeerka Maraykanka ee yaalla dalalka Europe oo la shaaciyey

Date:

Related stories

Duq magaalo oo Mexico ah oo “guursaday” yaxaas si loo raadiyo barwaaqo

Duqa magaalada San Pedro Huamelula ee Mexico ayaa ka qeybgalay xaflad dhaqameed uu “ku guursaday” yaxaas loo labisay sida aroosad, iyadoo dadka deegaanka ay rumeysan yihiin in munaasabaddan ay keento barwaaqo, roob iyo wax-soo-saar wanaagsan.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Meta Oo Wajahaysa Dacwad $1.4 Tirilyan Ah

Shirkadda Meta ayaa maxkamad federaal ah kula kulmaysa 29 gobol oo Mareykanka ah, kuwaas oo ku eedeeyay inay Facebook iyo Instagram si ula kac ah uga dhigtay baro dhalinyarada ku dhejiya,

Trump Oo Sharciga U Arka Caqabad Ku Hortaagan Xil Saddexaad

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu mar saddexaad u tartamo xilka madaxweynaha, balse uu qiray in sharciga Mareykanka uu arrintaasi caqabad ku yahay.

Xog si Hoose loo dusiyey ayaa waxay bidhaamiyeen Tirada Gantaalladda Nukliyeerka ee Maraykanka u yaalla Saldhigyada Maraykanka ku leeyahay qaar ka mid ah dalalka Europe iyo Turkiga. Warbixin ka soo baxday Machadka Nabadda iyo Siyaasadda ee Jaamacadda Hamburg (Institute for Peace Research and Security Policy at the University of Hamburg) ee dalka Jarmalka ayaa lagu […]

- Advertisement -

Xog si Hoose loo dusiyey ayaa waxay bidhaamiyeen Tirada Gantaalladda Nukliyeerka ee Maraykanka u yaalla Saldhigyada Maraykanka ku leeyahay qaar ka mid ah dalalka Europe iyo Turkiga.

Warbixin ka soo baxday Machadka Nabadda iyo Siyaasadda ee Jaamacadda Hamburg (Institute for Peace Research and Security Policy at the University of Hamburg) ee dalka Jarmalka ayaa lagu shaaciyey in 100 Gantaalladda Nukliyeerka Maraykanka ay yaallaan Saldhigyo qarsoodi ah oo Milliteriga Maraykanka ku leeyihiin magaallooyin ku yaalla dalalka Jarmalka, UK, Netherlands, Belgium iyo Turkiga.

- Advertisement -

 

Machadka waxa uu soo bandhigay magaallooyinka dalalkaasi ee ay ku yaallaan Saldhigyada iyo Kaydka Nukliyeerka ee Milliteriga Maraykanka, waxayna kala yihiin:-

1-      Magaalladda Kleine Brogel ee dalka Belgium (20 Gantaal Nukliyeer)

- Advertisement -

2-      Saldhigga Ciiddanka Cirka ee magaalladda Volkel ee dalka The Netherlands (20 Gantaal Nukliyeer)

3-     Magaalladda Buchel ee dalka Germany (20 Gantaal Nukliyeer)

4-      Magaallooyinka Aviano iyo Ghedi Torre ee dalka Talyaaniga (min 20 Gantaal Nukliyeer)

5-      Saldhiga Ciiddanka Cirka ee Incirlik Air Base ee dalka Turkiga (20 Gantaal Nukliyeer).

 

Dhinaca kale, Ciiddanka Cirka Maraykanka ayaa la sheegay inay baarayaan haddii ay Ciiddankooda si kedis ah u shaaciyeen goobaha ay ku yaallaan Saldhigyada Nukliyeerka Maraykanka ee Qaaradad Europe.

Afhayeenka Waaxda Difaaca Maraykanka (The Pentagon), John Kirby oo Suxufiyiinta la hadlay Talaadadii la soo dhaafay waxa uu sheegay inay Waaxda Ciiddanka Cirka ay baarayaan suurto-galnimada in Xogtaasi lagu wadaagay aaladda Flaash Kaadhka (Flashcards).

 

Waxa kale oo uu shaaciyey in dhamaan Hubka Maraykanka ay yihiin kuwa bad-qaba oo ammaan ah.

Afhayeenka Waaxda Difaaca Maraykanka, John Kirby waxa kale oo uu xusay inay tahay Siyasadda Waaxda Difaaca inaan marnaba la xaqiijinin ama la beenin jiritaankaa iyo maqnaanshaha Hubka Nukliyeerka meel kasta oo cayiman oo ay yaallaan.

 

Toddobaadkii la soo dhaafay, Shabakadda Wararka wax baarta ee “The Bellingcat investigative website” waxay daabacday in Ciiddanka Maraykanka ee loo xil-saaray Ilaalinta Hubka Nukliyeerka ee yaalla Europe ay si cad ugu isticmaaleen Codsiyadda Flashcards Hubka Nukliyeerka Maraykanka iyo Goobaha ay yaallaan.

Xaruumo qarsoodi ah oo ku yaalla Europe ayaa waxaa la sheegay in lagu qariyey Hubka Nukliyeerka Maraykanka.

 

Mid ka mid ah Siraha oo lagu shubay 70 Falashcards ayaa lagu shaaciyey in Tiro Hubka Nukliyeerka iyo kuwa aan ahayn ay yaallaan Saldhigga Ciiddanka Cirka ee Volkel Air Base ee dalka The Netherlands.

Latest stories