HomeCaalamkaXAMAAS iyo Israa'iil oo ka wada hadal ka yeelanaya qorshe Maxaabiis

XAMAAS iyo Israa’iil oo ka wada hadal ka yeelanaya qorshe Maxaabiis

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Wafuud ka kala socda Dhaqdhaqaaqa XAMAAS iyo Israel ayaa la filayaa inay Kulan ku yeeshaan Caasimadda dalka Masar ee Qaahira, si ay uga wada hadlaan qorshaha ay isku dhaafsan doonaan Maxaabiista ay kala haystaan. Madaxa Sirdoonka Masar, jeneral Cabaas Kaamil ayaa waxaa uu Kulamo la yeeshay Madaxda Reer Falastiin iyo Israel, si ay uga shaqeeyaan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wafuud ka kala socda Dhaqdhaqaaqa XAMAAS iyo Israel ayaa la filayaa inay Kulan ku yeeshaan Caasimadda dalka Masar ee Qaahira, si ay uga wada hadlaan qorshaha ay isku dhaafsan doonaan Maxaabiista ay kala haystaan.

Madaxa Sirdoonka Masar, jeneral Cabaas Kaamil ayaa waxaa uu Kulamo la yeeshay Madaxda Reer Falastiin iyo Israel, si ay uga shaqeeyaan meel-marinta Xabbad-joojinta laga gaaray Dagaalkii Qasa iyo inay XAMAAS iyo Israel ka wada xaajoodaan qorshaha ay isku weydaarsan karaan Maxaabiista ay kala haystaan.

- Advertisement -

Hoggaamiyaha Dhaqdhaqaaqa XAMAAS ee magaalladda Qasa, Yaxye Sinwaar ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga wada hadlo sidii loo sii dayn lahaa Falastiiniyiinta ku lug lahaa weerarkii ugu dambeeyey ee ay Israel ku soo qaaday Deegaanadda Marinka Qasa iyo magaalladda Qasa.

Ilo ka tirsan XAMAAS ayaa sheegay inay khasab tahay inay Hoggaamiyayaasha Falastiin ee u xiran Israel oo uu ka mid yahay Marwaan Al-barquuti qeyb ka noqdaan qorshaha is-dhaafsiga Maxaabiista.

Dhinaca kale, Israel ayaa doonaysa inay wada-xaajood kala galaan Dhaqdhaqaaqa XAMAAS sidii loo sii dayn lahaa 4 Maxbuus oo Israeli ah oo 2 ka mid askar yihiin, oo XAMAAS u xiran.
Ilaa 4,500 Maxaabiis Falastiiniyiin ah ayaa ku xiran Xabsiyadda Israel.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts