HomeWararBaarlamaanka Jubbaland oo Maanta ansixiyay Golaha Wasiirada cusub

Baarlamaanka Jubbaland oo Maanta ansixiyay Golaha Wasiirada cusub

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Maanta oo Arbaco ah kulan aan caadi aheyn ku yeeshay Xaruntooda kulamada ee Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulkaas. Kulanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa waxaa uu Ajendihiisu ahaa ansixinta Golaha Wasiirada cusub ee uu dhawaan magacaabay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam […]

- Advertisement -

Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Maanta oo Arbaco ah kulan aan caadi aheyn ku yeeshay Xaruntooda kulamada ee Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulkaas.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa waxaa uu Ajendihiisu ahaa ansixinta Golaha Wasiirada cusub ee uu dhawaan magacaabay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

- Advertisement -

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka ayaa Cod gacan taag ah ku ansixiyay Golaha Wasiirada cusub ee Jubbaland, waxaana ogolaaday ansixinta Golaha 50 xildhibaan, 1 Xildhibaan ayaa ka aamusay, ma jirin Madane diiday.

Guddoomiye Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo ku dhawaaqay natiijada Codeynta ayaa waxaa uu sheegay in la ansixiyay xubnaha Golaha Wasiirada cusub, isla markaana faray inay si toos ah u gutaan waajibaadkooda shaqo.

20-kii bishii lasoo dhaafay ee May ayey aheyd markii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe uu soo dhisay Xukuumadda Cusub oo ka kooban Gole Wasiiro, Wasiir ku-xigeeno & Wasiiru dowlayaal, kuwaas oo haatan si rasmi ah u shaqo bilaabi doona kadib marka la dhaariyo.

Latest stories