HomeWararAadan Barre Ducaale oo Baaq u diray Madaxda Dowladda iyo M/Goboleedyada

Aadan Barre Ducaale oo Baaq u diray Madaxda Dowladda iyo M/Goboleedyada

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Hoggaamiyahii hore ee Aqlabiyadda Baarlamaanka dalka Kenya Aadan Barre Ducaale oo ka hadlaayay Munaasabad ka dhacday Magaalada Nairobi ayaa baaq u diray Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada. Aadan Barre ayaa waxaa uu sheegay in Madaxda Soomaalida looga baahan yahay in Go’aanada ay gaarayan noqdaan kuwa ay ku jirto danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed, […]

- Advertisement -

Hoggaamiyahii hore ee Aqlabiyadda Baarlamaanka dalka Kenya Aadan Barre Ducaale oo ka hadlaayay Munaasabad ka dhacday Magaalada Nairobi ayaa baaq u diray Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada.

Aadan Barre ayaa waxaa uu sheegay in Madaxda Soomaalida looga baahan yahay in Go’aanada ay gaarayan noqdaan kuwa ay ku jirto danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed, isla markaana xaliyaan wax kasta oo khilaaf ah.

- Advertisement -

Hoggaamiyahii hore ee Aqlabiyadda Baarlamaanka dalka Kenya ayaa Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ugu baaqay inay iyagu tashadaan, ayna gaaran go’aan, balse aysan qaadan waxyaabaha ay u meeriso Beesha Caalamka.

“Waxaan ugu baaqayaa madaxda dowladda federaalka, hogaamiyeyaasha gobolada iyo siyaasiyiinta gaar ahaan Farmaajo in marka aad tashaneysaa aad go’aanadiina ku saleysaan danta Soomaaliya oo aysan idin meerin dowladaha derisa ama kuwa Carabta,” ayuu yiri Aadan Barre Ducaale.

Hadalka Hoggaamiyahii hore ee Aqlabiyadda Baarlamaanka dalka Kenya Aadan Barre ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo dhawaan Madaxda Soomaalida ay heshiis rasmi ah ka gaareen khilaafkii hareeyay qabsoomida doorashada dalka.

Latest stories