HomeWararNISA Jubbaland oo soo Bandhigtay Miino lagu aasay xaafad ka tirsan Kismaayo

NISA Jubbaland oo soo Bandhigtay Miino lagu aasay xaafad ka tirsan Kismaayo

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Ciidanka hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa miino nooca dhulka lagu aaso ah kasoo saaray xaafad ka tirsan Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Jubbaland. Qoraal kasoo Taliska NISA Jubbaland ayaa lagu sheegay miinada lagu aasay xaafadda Farjanno waaxda Kuuba ee Kismaayo, isla markaana sheegay in la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka […]

- Advertisement -

Ciidanka hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa miino nooca dhulka lagu aaso ah kasoo saaray xaafad ka tirsan Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Jubbaland.

Qoraal kasoo Taliska NISA Jubbaland ayaa lagu sheegay miinada lagu aasay xaafadda Farjanno waaxda Kuuba ee Kismaayo, isla markaana sheegay in la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka Magaaladaas.

- Advertisement -

Sidoo kale Saraakiisha hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka ayaa tilmaamay in lagu guuleystay in miinada laga hortego, iyada oo waxyeelada u geysan dadka shacabka, lagana soo saaray halka lagu aasay.

“Ciidanka hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubbaland ayaa gacanta ku dhigay Miinadan oo ay doonayeen Al-Shabaab in ay ku dhibaateyaan dadka shacabka ah ee ku nool magaalada Kismaayo” ayuu yiri Qoraalka kasoo baxay Taliska NISA Jubbaland.

12-ka bishii lasoo dhaafay ee May ayey markii sidaan oo kale ay Ciidanka nabadsugida iyo Sirdoonka Jubbaland u soo bandhigeen Miino ay sheegeen in Al-shabaab ay ku xireen gaari uu lahaa qof shacab ah oo kunool Magaalada Kismaayo.

Latest stories