HomeWararDowladda oo diyaarisay Ciidanka sugaya amniga Doorashooyinka dalka

Dowladda oo diyaarisay Ciidanka sugaya amniga Doorashooyinka dalka

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa Maanta ka hadlay qorshaha diyaar garoowga sugida amniga doorashooyinka ka dhacaya dalka Soomaaliya. Taliye Xijaar oo la hadlay Telefashinka Dowladda ayaa waxaa uu sheegay in mar horey u diyaar garoobeen sugida amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka, isla markaana Ciidanka Booliska ay awood […]

- Advertisement -

Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa Maanta ka hadlay qorshaha diyaar garoowga sugida amniga doorashooyinka ka dhacaya dalka Soomaaliya.

Taliye Xijaar oo la hadlay Telefashinka Dowladda ayaa waxaa uu sheegay in mar horey u diyaar garoobeen sugida amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka, isla markaana Ciidanka Booliska ay awood u leeyihiin ay sugaan amniga.

- Advertisement -

Taliska Booliska ayuu sheegay ay tageen Magaalooyin kamid ah maamul Goboleedyada oo lagu qabanayo doorashada Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, ayna dowladda heysato Ciidan ku filan oo amniga suga.

Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Jeneraal Xijaar ayaa Carabka ku dhuftay in sugida amniga doorashada ay la kaashan doonaan Ciidamo Boolis ah oo kamid ah kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, kuwaasi oo uu xusay in la diyaariyay.

Wuxuu intaas kusii daray in Taliye Xijaar in Taliska guud ee Ciidamada AMISOM ay wadahadal kala yeesheen sugida amniga dalka, isla markaana waxaa uu tilmaamay inay AMISOM aykula xisaabtami doonaan doorka ay ka leeyihiin sugida amniga.

- Advertisement -

Hadalka Taliyaha Ciidanka Booliska Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa waxaa uu kusoo aadaya, iyada oo dhawaan Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ay heshiis ka gaareen khilaafkii doorashada dalka.

Latest stories