HomeWararDil ka dhacay Magaalada Jowhar iyo Dad ka careysan oo Banaanbax dhigay

Dil ka dhacay Magaalada Jowhar iyo Dad ka careysan oo Banaanbax dhigay

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka ee Haramcad ayaa saakay Nin shacab ah ku dilay xaafadda Buulo-makiino ee Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle. Dad ayaa ku warramay in dilka loo geystay Ninka shacabka ahaa uu yimdi, ka gadaal markii Ciidanka Haramcad oo howlgal ka waday Buulo-makiino uu Ninka ka diiday amar ay siiyeen, […]

- Advertisement -

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka ee Haramcad ayaa saakay Nin shacab ah ku dilay xaafadda Buulo-makiino ee Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle.

Dad ayaa ku warramay in dilka loo geystay Ninka shacabka ahaa uu yimdi, ka gadaal markii Ciidanka Haramcad oo howlgal ka waday Buulo-makiino uu Ninka ka diiday amar ay siiyeen, iyagoona rasaas ay ku dhufteen u geeriyooday.

- Advertisement -

Ninka ay dileen Ciidanka Booliska ayaa la tilmaamay inuu ahaa qof xoogaa madaxa looga jiray uuna xauunsanayay, waxaana Meydkiisa la geeyay Saldhiga Booliska Magaalada Jowhar.

Intaas kadib ayaa waxaa waddooyinka Magaalada isugu soo baxay dadweyne farabadan oo ka careysan dilka loo geystay Ninka oo kamid ahaa dadka deegaanka, waxaana ay banaanax ka dhigeen waddooyinka Jowhar.

Dadka dhigaayay banaanbaxa ayaa taayaro waaweyn ku gubayay wadada, isla markaana waxaa ay xireen isku socodka gaadiidka, iyagoona sheegay inay ka xun yihiin tallaabada Ciidanka Haramcad ay ku dileen Ninkaas.

- Advertisement -

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Jowhar ayaa sheegaya in uu weli hakad ku jiro socodka gaadiidka iyo Ganacsiga meelaha qaar, welina ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Maamulka Hirshabeelle oo ay uga hadlaan falkaas dhacay.

Latest stories