HomeCaalamkaQatar oo shaacisay lacagta ay ku bixineyso dib u dhiska Gaza

Qatar oo shaacisay lacagta ay ku bixineyso dib u dhiska Gaza

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Qatar ayaa Arbacadii ku dhowaaqday inay $500 milyan ku bixin doonto dib u dhiska Gaza, kadib markii magaaladan ku taalla Falastiin ay burburiyeen duqeymo ay Israel ku wadday 11 maalmood oo xiriir ah. “Dowladda Qatar waxay ku dhowaaqeysaa $500 milyan oo ah taageero dib loogu dhisayo Gaza,” waxaa sidaas soo tweet gareeyey Wasiirka Arrimaha Dibedda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Qatar ayaa Arbacadii ku dhowaaqday inay $500 milyan ku bixin doonto dib u dhiska Gaza, kadib markii magaaladan ku taalla Falastiin ay burburiyeen duqeymo ay Israel ku wadday 11 maalmood oo xiriir ah.

“Dowladda Qatar waxay ku dhowaaqeysaa $500 milyan oo ah taageero dib loogu dhisayo Gaza,” waxaa sidaas soo tweet gareeyey Wasiirka Arrimaha Dibedda Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani.

- Advertisement -

Qatar waa taageere muhiim ah oo ay leedahay Kooxda Xamas ee maamusha Marinka Gaza.

Lacagtan ayaa looga dan leeyahay inay caawiso dadka Gaza “ee wajahaya caqabadaha ka dhashay weerardii Israel ee dhowaa, ayna kaalin ka gaysato dib u dhiska goobaha adeegyada ee Gaza…taasi oo ay sii dheer tahay guryihii la burburiyey”, waxaa sidaas tiri wakaaladda wararka rasmiga ah ee Qatar ee QNA.

 

- Advertisement -

Duqeymaha Israel ee Gaza ayaa billowday 10-kii May kadib rabshado ka dhacay masjidka Al-Aqsa ee magaalada Qudus oo keenay inay Xamas gantaallo ku tuurto Israel.

Weerarada oo socday 11 maalmood ayaa Gaza ku dilay 254 qof oo Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan 66 caruur ah, waxayna dhaawaceen in ka badan 1,900 oo kale, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Gaza.

Dhinaca kale, gantaallo ay Xamas ku garaacday Israel ayaa galaaftay nolosha 12 qof oo ku noolaa Israel, oo uu ku jiro qof Hindi ah iyo Laba qof oo kasoo jeeday Thailand oo shaqo u joogay, sida ay sheegeen kooxaha caafimaadka. Qiyaastii 357 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay.

Waxaa hadda socda dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu xoojinayo xabad-joojin aan cago adag ku taagneyn oo ay ka shaqeysay Masar.

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts