HomeWararMaamulka Hir-Shabeelle oo baaq u diray dadkii ka barakacday duleedka Baledweyne

Maamulka Hir-Shabeelle oo baaq u diray dadkii ka barakacday duleedka Baledweyne

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed), Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Siraaji Sheekh Isxaaq, Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dhawaanahan Beladweyne ka wada dadaallo lagu xalinayo beelo lagu dagaalamay duleedka Beladweyne ayaa maanta kulan la qaatay horjoogayaasha maleeshiyaadka dagaalamay, kuwaasi oo ugu dambeyn […]

- Advertisement -

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed), Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Siraaji Sheekh Isxaaq, Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dhawaanahan Beladweyne ka wada dadaallo lagu xalinayo beelo lagu dagaalamay duleedka Beladweyne ayaa maanta kulan la qaatay horjoogayaasha maleeshiyaadka dagaalamay, kuwaasi oo ugu dambeyn balan qaaday inay Nabadda ka shaqeyn doonaan.

 

- Advertisement -

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Siraaji Sheekh Isxaaq ayaa ugu baaqay bulshada inay Nabadda ka shaqeeyaan oo ay ka hortagaan cidkasta oo abuureyso amni darro.

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) ayaa ugu baaqay shacabka ka barakacay deegaannada ay colaadda ka dhacday inay dib ugu soo laabtaan guryahooda, Maamulkana uu ka shaqeyn doono sidii Nabadgelyada loo xoojin lahaa.

“Cidkasta oo dagaalka la ajligiisa uga qaxday Beladweyne, gaar ahaan xaafadda Hilaac haku soo noqoto guryahooda, Alle ka sokow anagaa u joogno oo u balan qaadeyno, ma arkayaan wax dhibaato ah, haku soo laabteen guryahooda iyo goobahooda ganacsiga” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle.

Latest stories