HomeWararXukuumadda xilgaarsiinta oo shaacisay xiliga lasoo xirayo Shirka Doorashada

Xukuumadda xilgaarsiinta oo shaacisay xiliga lasoo xirayo Shirka Doorashada

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee looga hadlayo Arrimaha Doorashooyinka oo uu shir guddoominayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa galay maalintiisi afraad, waxaana laga gaaray natiijo wanaagsan,

Shirka Wadatashiga oo sabtida todobaadkaan ka furmay Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa horumarro laga sameeyay qodobbadii laga wadahadlayay ee khuseeyay doorashooyinka dalka.

- Advertisement -

Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macallimuu oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyey shirka wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka, waxaana uu tilmaamay in Shirka lagu wado in lasoo xiro maalinta khamiista ee soo socota.

Waxaa uu sheegay in madaxda dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ay muujiyeen biseyl sida ay u doonayaan in heshiis laga gaaro arrimaha doorashooyinka, isagoona xusay in heer gabogabo ah marayaan dhameystirka qodobada ka soo bixi doona heshiiska la filaayo shirka laga gaaro.

“Ra’iisul Wasaaraha oo had iyo jeer xudun u ahaa wadahadaladana waxaa uu ahaa qofka habeen iyo maalin ka shaqaynayey in shirku uu guuleysto” ayuu yiri Af-hayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macallimuu.

- Advertisement -

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxda dowlad Goboleedyada Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho.

Latest stories