HomeWararWafdi ka socda Dowladda oo Maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb

Wafdi ka socda Dowladda oo Maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda xilgaarsiinta Dr. Axmed Xuseen Macalin Gurrey iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka. Wafdiga Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka oo ay kamid ahaayeen la taliyaha arrimaha bulshada ee Xafiiska Madaxweyne Farmaajo Cali Faarax Seeraar ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Wasiiro, Xildhibaano iyo xubno kale oo […]

- Advertisement -

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda xilgaarsiinta Dr. Axmed Xuseen Macalin Gurrey iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka.

Wafdiga Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka oo ay kamid ahaayeen la taliyaha arrimaha bulshada ee Xafiiska Madaxweyne Farmaajo Cali Faarax Seeraar ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Wasiiro, Xildhibaano iyo xubno kale oo ka tirsan Galmudug.

- Advertisement -

Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Xukuumada Dr. Axmed Xuseen Macalin Gurrey ayaa sheegay in ujeeddada socdaalkooda ay la xiriirto u kuurgelidda adeegyada aas-aasiga ah Caafimaadka ee ka jira deegaananda Galmudug.

Dr. Axmed Gurrey ayaa sheegay in safarkooda uu qaadan doono maalmo, isla markaana ay kormeer ku tegi doonaan Xarumaha caafimaadka ee degmooyinka Galmudug, iyadoo la filayo in ay uga sii gudbaan dowlad goboleedyada kale ee dalka.

La-taliyaha arrimaha bulshada ee Xafiiska Madaxweyne Farmaajo Cali Faarax Seeraar ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in kormeerkooda xoojin doono dadaallada lagu horumarinayo adeega aas-aasiga ah ee Caafimaadka.

Latest stories