HomeWararHeshiis hordhac ah oo laga gaaray dagaaladii ka dhacay Gobolka Hiiraan 

Heshiis hordhac ah oo laga gaaray dagaaladii ka dhacay Gobolka Hiiraan 

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Waxaa Maanta heshiis hordhac ah laga gaaray dagaaladii u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacaayay deegaano hoostega Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan. War-saxaafadeed laga soo saaray kulamo dhexmaray Odayaasha iyo Waxgaradka beelihii dagaalamayay ayaa waxaa lagu sheegay in heshiis hordhac ah looga gaaray Colaadii khasaaraha isugu jiray dhimasho iyo dhaawac […]

- Advertisement -

Waxaa Maanta heshiis hordhac ah laga gaaray dagaaladii u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacaayay deegaano hoostega Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

War-saxaafadeed laga soo saaray kulamo dhexmaray Odayaasha iyo Waxgaradka beelihii dagaalamayay ayaa waxaa lagu sheegay in heshiis hordhac ah looga gaaray Colaadii khasaaraha isugu jiray dhimasho iyo dhaawac geysatay ee ka dhacday Hiiraan.

- Advertisement -

Laba Beel ayaa ku heshiiyay in la kala qaado maleeshiyaadka labada dhinac ee is hor-fadhiyay, isla markaana deegaankii sida gaarka ah la isugu haayay aan cid dhisan karin ilaa iyo heshiiska laga dhameystirayo.

Sidoo kale heshiiska ayaa waxaa ku jira in qofkii hubeysan ee lagu arko deegaanadii lagu dagaalamay oo aan ka tirsaneyn Ciidanka dowladda lasoo qaban doono, isla markaana la xiri doono 6 bil oo xabsi ah.

Heshiiska ay gaareen beelihii maalmihii lasoo dhaafay ku dagaalamayay deegaano hoostega Magaalada Baladweyne ayaa waxaa garwadeen ka ahaa wafdi ka socday dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Hirshabeelle.

- Advertisement -

Dagaalkan dhexmaray maleeshiyaadka beeleedka ayaa salka ku haayay Arrimo la xiriira dhul-daaqsimeedyo, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac iyo dad shacab ah, lana gubay Guryo.

Hoos ka Akhriso qaabka uu u qornaa heshiiska laga gaaray Colaada.

Latest stories