HomeWararHaweeney Koonfur Afirkaan ah oo dishay Ninkeeda Soomaali ah

Haweeney Koonfur Afirkaan ah oo dishay Ninkeeda Soomaali ah

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Cabdikariin Mahdi Saalax ayaa waxaa habeenkii xalay aheyd lagu dilay Magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika. Dilka loo geystay Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa waxaa fulisay xaaskiisa uu qabay oo u dhalatay Koonfur Afrika, waxaana falkaas uu ka dhacay xaafadda Soomaalida ee Mayfair ee Magaalada Johannesburg. Xaaska uu […]

- Advertisement -

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Cabdikariin Mahdi Saalax ayaa waxaa habeenkii xalay aheyd lagu dilay Magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

Dilka loo geystay Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa waxaa fulisay xaaskiisa uu qabay oo u dhalatay Koonfur Afrika, waxaana falkaas uu ka dhacay xaafadda Soomaalida ee Mayfair ee Magaalada Johannesburg.

- Advertisement -

Xaaska uu qabay Cabdikariin Mahdi Saalax ayaa waxaa ay dilkiisa u adeegsatay qori uu lahaa, isla markaana waxaa ay rasaas uga dhifatay Madaxa, isagoona goobta ku geeriyooday, sida laga soo xigtay Muwaadiniin Soomaali ah oo goobta tegay.

Haweeneyda falka geysatay ayaa la tilmaamay inay wacday Booliska Koonfur Afrika, ayna u sheegtay wixii dhacay, waxaana intaas kadib gacanta ku dhigay Booliska Haweeneydaas oo xiray.

Weli si dhab ah looma oga sababta keentay in Haweeneyda ay disho Cabdikariin Mahdi Saalax oo qabay, kaasi oo ahaa Muwaadin Soomaaliyeed, isla markaana Koonfur Afrika ku lahaa goobo Ganacsi.

- Advertisement -

Dhinca kale Xaafadda Soomaalida ee Bellville ee Magaalada Cape town ee dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa xalay burcad hubeysan ay ku dileen Muwaadin Soomaali ah oo lagu magacaabi jiray Yuusuf Ibraahim Saamacadde.

Latest stories