HomeCaalamkaDowlad dhex-dhexadin doonta Suudan iyo Itoobiya, kadib fashilkii Imaaraadka

Dowlad dhex-dhexadin doonta Suudan iyo Itoobiya, kadib fashilkii Imaaraadka

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

RW Suudan, Dr. Cabdalla Xamduuk ayaa waxaa uu la kulmay ku-xigeenka RW dalka Qatar, ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda, Sheekh Maxamed Bin C/raxmaan Al-Thani oo maalmahan booqasho ku joogay Khartoum. Qaabilaadaasi oo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiiradda Arrimaha Dibedda iyo Arrimaha Golaha Wasiirada ee dalka Suudan ayaa loo gudbiyey dhambaal Qoraal oo uu u soo diray […]

- Advertisement -

RW Suudan, Dr. Cabdalla Xamduuk ayaa waxaa uu la kulmay ku-xigeenka RW dalka Qatar, ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda, Sheekh Maxamed Bin C/raxmaan Al-Thani oo maalmahan booqasho ku joogay Khartoum.

Qaabilaadaasi oo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiiradda Arrimaha Dibedda iyo Arrimaha Golaha Wasiirada ee dalka Suudan ayaa loo gudbiyey dhambaal Qoraal oo uu u soo diray Amiirka dalka Qatar, Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-Thani.

- Advertisement -

Kulankaasi ayaa waxaa looga hadlay Xiriirka labada dal, Taageeradda Qatar ee Arrimaha Ammaanka, Siyaasadda, Maalgashiga, Tababarada, Iskaashiga iyo Dhaqaalaha.

Dhinaca kale, Ku-xigeenka RW dalka Qatar, ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda, Sheekh Maxamed Bin C/raxmaan Al-Jaasim Al-Thani oo ka hadlay Shir Jara’id oo ay isaga iyo dhigiisa dalka Suudan, Maryama Saadaq Al-Mahdi ku qabteen magaalladda Khartoum ayaa waxaa uu shaciyey inay Qatar dhexdhexaadin doonto Suudan iyo Ethiopia oo isku haysta Khilaaf dhanka Xuduudka iyo Dhismaha Biyo-xireenka Ethiopia ee GERD.

Waxa uu sii raaciyey inay rajeynayaan in xalinta Xiisadahaasi loo mari doono wada-xaajood iyo Xiriir Diplomaasiyadeed oo u dhexeeya labada dal ee Sudan iyo Ethiopia. Hadalkiisa ayaa yimid, kadib, markii ay Dowladda Imaaraadka Carabta sheegtay inay ka laabatay dadaalkii Dhexdhexaadinta ee ay ka dhex waday Sudan iyo Ethiopia.

- Advertisement -

W/Q: Ustaad Nuradin

Latest stories