HomeWararCiidamada Dal ka tirsan Afrika oo xiray Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha

Ciidamada Dal ka tirsan Afrika oo xiray Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Militariga Mali ayaa xiray Madaxweynaha, Ra’isul Wasaaraha iyo Wasiirka Difaaca ee dowladda kumeel gaarka ah ee dalkaasi, waxaana tallaabadan ay sii muujineysaa qalelaasaha siyaasadeed ee ka jira dadka ku yaal Galbeedka Africa. Madaxweyne Bah Ndaw, Ra’isul Wasaare Moctar Ouane iyo Wasiirka Gaashaandhiga Souleymane Doucoure ayaa dhammaantood loo kaxeeyay xero millatari oo ku taal duleedka magaalada […]

- Advertisement -

Militariga Mali ayaa xiray Madaxweynaha, Ra’isul Wasaaraha iyo Wasiirka Difaaca ee dowladda kumeel gaarka ah ee dalkaasi, waxaana tallaabadan ay sii muujineysaa qalelaasaha siyaasadeed ee ka jira dadka ku yaal Galbeedka Africa.

Madaxweyne Bah Ndaw, Ra’isul Wasaare Moctar Ouane iyo Wasiirka Gaashaandhiga Souleymane Doucoure ayaa dhammaantood loo kaxeeyay xero millatari oo ku taal duleedka magaalada caasimadda ah Bamako.

- Advertisement -

Xiritaanka madaxdan ayaa imaneysa bilooyin kaddib marki ay isla millitarigan uu xakunka ka tuuray madaxweynihi hore Mali Ibrahim Boubacar Keita.

Arrintan ayaa timid saacado yar kaddib marki laba xubnood oo ka mid ah millitariga laga qaaday xilalkii ay ka hayeen dowladda isku-shaandheyn la sameeyay kaddib, waxaana sidaas wakaaladda wararka ee Rueters u xaqiijiyay ilo wareedyo diblamaasiyadeed iyo kuwo ka tirsan dowladda.

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in si deg deg ah xorriyadooda loogu soo celiyo madaxda dowladda kumeel gaarka ah ee Mali.

Latest stories