HomeCaalamkaMareykanka oo xayiraad dhaqaale iyo mid militari saaraya Ethiopia

Mareykanka oo xayiraad dhaqaale iyo mid militari saaraya Ethiopia

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Dowladda Mareykanka ayaa xayiraad kusoo rogeysa kaalmada dhaqaale iyo amni ee ay siiso Ethiopia sababo la xiriira eedo gaboodfallo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo dhacay intii uu socday dagaalkii gobolka Tigray, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ay Axaddii soo saartay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka. Waxay sidoo kale xayiraad saareysaa saraakiil hore iyo kuwa hadda xilalka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladda Mareykanka ayaa xayiraad kusoo rogeysa kaalmada dhaqaale iyo amni ee ay siiso Ethiopia sababo la xiriira eedo gaboodfallo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo dhacay intii uu socday dagaalkii gobolka Tigray, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ay Axaddii soo saartay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Waxay sidoo kale xayiraad saareysaa saraakiil hore iyo kuwa hadda xilalka haya ee dalalka Ethiopia ama Eritrea, kuwaasi oo ay u aragto in ay mas’uul ka yihiin qalalaasaha.

- Advertisement -

 

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in tallaabadani ay dowladda Mareykanka u qaadeyso si loo soo dadajiyo xalka colaadda ka taagan Itoobiya.

Dhinacyada ku lugta leh “ma aysan qaadin talaabooyin macno leh oo ay ku joojinayaan dagaalada ama ay ku raadinayaan xal nabadeed oo laga gaaro qalalaasaha siyaasadeed,” ayuu yiri.

- Advertisement -

 

Redwan Hussein, oo ah madaxa guddi-hoosaad ay dowladda Itoobiya ee u saartay arrimaha Tigray, ayaa sheegay in dowladdu ay goor dhow soo saari doonto bayaan. Wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane Gebremeskel ayaan ka jawaabin telfoonada iyo farriimo looga raadinayay inuu warkan ka jawaabo.

Kummanaan qof ayaa la dilay iyadoo 2 milyan oo qofna lagu qasbay in ay ka cararaan guryahooda gobolka Tigray ka dib markii uu bishii November dagaal ka dhex qarxay Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray (TPLF) iyo militariga Itoobiya.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts