HomeWararCulimada Soomaaliyeed oo War kasoo saaray Shirka Doorashada ee Muqdisho

Culimada Soomaaliyeed oo War kasoo saaray Shirka Doorashada ee Muqdisho

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Culimada Soomaaliyeed oo Maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay Shirka Wadatashiga Qaran ee Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada uga socda Teendhada Afiysooni ee Muqdisho. War-saxaafadeed kasoo baxay kulanka Culimada oo warbaahinta loo Akhriyay ayaa waxaa marka hore lagu soo dhaweeyay Shirka Madaxda u socda ee looga hadlayo dhameystirka heshiiskii 17-kii […]

- Advertisement -

Culimada Soomaaliyeed oo Maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay Shirka Wadatashiga Qaran ee Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada uga socda Teendhada Afiysooni ee Muqdisho.

War-saxaafadeed kasoo baxay kulanka Culimada oo warbaahinta loo Akhriyay ayaa waxaa marka hore lagu soo dhaweeyay Shirka Madaxda u socda ee looga hadlayo dhameystirka heshiiskii 17-kii Sep iyo xal u helida khilaafka ka taagan doorashada dalka.

- Advertisement -

Culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in muhiim ay tahay in si deg deg ah Arrimaha doorashooyinka dalka heshiis looga gaaro, si looga fogaado wax kasta oo keeni kara kala teg iyo khalalaaso dhaca, uuna heshiiska fure u yahay midnimo iyo wadajir.

Sidoo kale Culimada ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan dadaalada uu wado Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, iyagoona Alle ka baryay inuu guuleysto Shirka, heshiisna looga gaaro khilaafka hareeyay doorashada.

Waxaa kaloo Culimada Madaxda ugu baaqeen in Go’aamada shirka kasoo baxaya ay noqdaan kuwo ku dhisan Calaalad iyo hufnaan, isla markaana laga fogaado nooc kasta oo loo arko in aysan shacabka Soomaaliyeed u wanaagsaneyn.

- Advertisement -

Ugu dambeyn Culimada Soomaaliyeed ayaa shacabka ugu baaqay midnimo iyo wadajir, iyagoona u mahadceliyay cid kasta oo soo qaban-qaabisay Shirka maalintii saddexaad Madaxda uga socda Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Latest stories