HomeWararShirka Madaxda ee Afisyooni oo maalintii labaad soo Idlaaday

Shirka Madaxda ee Afisyooni oo maalintii labaad soo Idlaaday

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Waxaa maalintii labaad soo dhammaaday Shirka Wadatashiga Qaran ee Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ee ka socday Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka. Shirka oo looga hadlayo dhameystirka heshiiskii 17-kii September ayaa Maanta waxaa ay Madaxda uga doodeen qodobada u baahan in xal laga gaaro ee khilaafka uu ka jiro, si […]

- Advertisement -

Waxaa maalintii labaad soo dhammaaday Shirka Wadatashiga Qaran ee Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ee ka socday Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Shirka oo looga hadlayo dhameystirka heshiiskii 17-kii September ayaa Maanta waxaa ay Madaxda uga doodeen qodobada u baahan in xal laga gaaro ee khilaafka uu ka jiro, si loo qabto doorasho xor oo heshiis lagu wada yahay.

- Advertisement -

Arrinta Somaliland ayaa la sheegayaa inuu yahay qodobka ugu adag ee dooddiisa ay hareyn doonto shirka, maadaama mid ka mid ah labada dhinac ee isku haya arrinta Somaliland uusan weli ku qanacsaneyn qodobkii is fahamkii shirkii Baydhabo.

Afhayeenka Madaxweynaha Puntland Jaamac Dabaraani oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in Shirka Madaxda uu maalintii labaad kusoo idlaaday si habsami leh, wuuna tilmaamay inuu sii socon doono Shirka, isagoona rajo wanaagsan ka muujiyay natiijada kasoo bixi karta.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Madaxda dowlad Goboleedyada ee Shirka ka qeyb galaya ayaa maalinta berri oo Isniin ah dib isugu soo laaban doono, si loo sii amba qaado doodaha adeg ee Madaxda.

- Advertisement -

Shirka Wadatashiga Qaran ee shalay ka furmay Magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in maalmaha soo socda lasoo gaba-gabeeyo, isla markaana heshiis rasmi ah looga gaaro khilaafka hareeyay qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa.

Latest stories