HomeWararRW Rooble oo farriin u diray Midowga Musharaxiinta iyo Shacabka

RW Rooble oo farriin u diray Midowga Musharaxiinta iyo Shacabka

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka mahadceliyay taageerada Shacabka Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta oo ay ku jiraan Midowga Murashaxiintu u muujiyeen dadaallada Ra’iisul Wasaaraha ee ku aaddan in heshiis laga gaaro sidiii dalku doorasho u aaddi lahaa sida ugu deg-degta badan. Shirka golaha wadatashiga Qaran ee dhammeystirka Arrimaha Doorashooyinka uu guddoominayo Ra’iisal wasaare […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka mahadceliyay taageerada Shacabka Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta oo ay ku jiraan Midowga Murashaxiintu u muujiyeen dadaallada Ra’iisul Wasaaraha ee ku aaddan in heshiis laga gaaro sidiii dalku doorasho u aaddi lahaa sida ugu deg-degta badan.

Shirka golaha wadatashiga Qaran ee dhammeystirka Arrimaha Doorashooyinka uu guddoominayo Ra’iisal wasaare Rooble ayaa galay maalintii labaad, sidoo kalena looga hadlayo xal u helida khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada.

- Advertisement -

Sidoo kale Rooble ayaa sheegay in ay muhiim tahay in xoogga la saaro isu tanaasul, is qancin iyo walaaltinimo si ahmiyadda loo siiyo badbaadada Shacabka Soomaaliyeed iyo dalka u aado doorasho la isla ogol yahay oo dhaqso ku qabsoonto.

Qaar ka mid ah murashixiinta u tartamaysa xilka Madaxtinimo ee dalka ayaa soo dhaweeyay shirka Golaha Wadatashiga Qaran, oo shalay uu si rasmi ah u furay Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, kaasi oo diiradda lagu saaray dhameystirka arrimaha doorashooyinka dalka.

Shirka Madaxda ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.

Latest stories