HomeCaalamkaMaxaa ka jira inay is-bedeshay siyaasaddii Madaxweyne Biden ee Israa'iil?

Maxaa ka jira inay is-bedeshay siyaasaddii Madaxweyne Biden ee Israa’iil?

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay inaysan wax isbeddel ah ku iman ballan-qaadkiisa ku aadan amniga Israel, hase yeeshee waxa uu ku adkeystay in xal laba-dal ah, oo uu ku jiro dal ay Falastiin leedahay uu yahay jawaabta kaliya ee dagaalkan. Biden ayaa ka hadlay Aqalka Cad kadib markii heshiis xabad-joojin ah ay gaareen Xamas […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay inaysan wax isbeddel ah ku iman ballan-qaadkiisa ku aadan amniga Israel, hase yeeshee waxa uu ku adkeystay in xal laba-dal ah, oo uu ku jiro dal ay Falastiin leedahay uu yahay jawaabta kaliya ee dagaalkan.

Biden ayaa ka hadlay Aqalka Cad kadib markii heshiis xabad-joojin ah ay gaareen Xamas iyo Israel, kaasi oo ka dambeeyey 11 maalmood oo ah dagaal ay ku dhinteen in ka badan 200 oo qof, oo badankood ahaa shacab Falastiiniyiin ah oo ku sugnaa Gaza.

- Advertisement -

Biden ayaa hoos u dhigay fikradaha la xiriira in dagaalkii Gaza uu khilaaf ka dhex-abuuray Xisbiga Dimoqraadiga, kadib markii tobaneeyo ka mid ah ay Biden ku khilaafeen wax ay ugu yeereen diblomasiyad jilicsan oo ka dhan ah Israel oo ay xulufo yihiin, kadib markii uu si shaacsan u dalbaday xabad-joojin.

“Xisbigeyga weli wuxuu taageeraa Israel,” ayuu yiri Biden. “Aan kala caddeeyo arrintaas, illaa gobolka uu si cad u garowsado xaqa ay Israel u leedahay inay u jirto dal madxa-banaan oo Yahuud ah, nabad ma jiri doonto,” ayuu ku daray.

Xabad-joojinta Gaza ayaa waxaa ka shaqeeyey Masar kadib markii Mareykanka ay ku cadaadiyeen Israel inay qaboojiso ololaheeda Gaza.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa lagu wadaa inuu toddobaadkan booqdo gobolka si uu uga xaajoodo dadaalla da dib usoo kabashada iyo wada-shaqeyn ku aadan mustaqbal u wada wanaagsan Israa’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta.

Latest stories