HomeWararMadaxweynaha Hirshabeelle oo kasoo degay Garoonka Aadan Cadde

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kasoo degay Garoonka Aadan Cadde

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa goor dhow kasoo degay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa waxaa Garoonka kusoo dhaweeyay Xildhibnaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka, Wasiiro, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada oo loo diyaariyay soo dhaweyntiisa. Madaxweynaha […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa goor dhow kasoo degay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa waxaa Garoonka kusoo dhaweeyay Xildhibnaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka, Wasiiro, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada oo loo diyaariyay soo dhaweyntiisa.

- Advertisement -

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa u yimid Caasimadda dalka ka qeyb galka Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ee Maanta ka furmaya Teendhada Afisyooni ee xeyndaabka Xalane.

Shirkaan ayaa waxaa looga hadli doonaa dhameystirka heshiiskii 17-kii Sep iyo xalinta khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa oo Madaxda aysan weli heshiis rasmi ah ka gaarin.

Madaxda dowlad Goboleedyada dalka sida Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle oo kasoo degay Garoonka Aadan Cadde ayaa ku wada sugan Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ka qeyb galaya Shirka.

- Advertisement -

Shirka ayaa waxaa guddoomin doono Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo Maanta si rasmi ah uga furmi doona Magaalada Muqdisho gaar ahaan Teendhada Afisyooni .

Latest stories