HomeWararDagaal khasaaro geystay oo ka socda Degmada Wanlaweyn

Dagaal khasaaro geystay oo ka socda Degmada Wanlaweyn

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Wararka aan ka heleyno degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas ka socdo dagaal u dhexeeya Ciidamo kala taacabsan Guddoomiyaha Wanla-weyn iyo ku-xigeenkiisa Arimaha Bulshada degmadaas. Dagaalkaan ayaa waxaa uu sigaar ah uga socdaa xaaladda lagu magacaabo Muuri ee Wanla-weyn, waxaana dagaalka la isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan, sida […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas ka socdo dagaal u dhexeeya Ciidamo kala taacabsan Guddoomiyaha Wanla-weyn iyo ku-xigeenkiisa Arimaha Bulshada degmadaas.

Dagaalkaan ayaa waxaa uu sigaar ah uga socdaa xaaladda lagu magacaabo Muuri ee Wanla-weyn, waxaana dagaalka la isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay sheegeen dadka deegaanka qaarkood.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Wanla-weyn iyo ku-xigeenkiisa Arimaha Bulshada ayaa la tilmaamay inay isku heystaan awooda dhiinaca Maamulka degmada, waxaana la sheegaya in labada Mas’uul uu ka dhexeeyo khilaaf xoogan.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in dagaalka uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah iyo Ciidamada ay kala wataan labada Mas’uul.

Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose oo ka war helay dagaalka socda ayaa wada dadaalo kala duwan oo ay ku doonayaan in lagu xaliyo khilaafka soo kala dhexgalay Guddoomiyaha Wanla-weyn iyo ku-xigeenkiisa Arimaha Bulshada.

Latest stories