HomeCaalamkaWasiir sheegay hadal ka carreysiiyey dalalka Khaliijka oo is-casilay

Wasiir sheegay hadal ka carreysiiyey dalalka Khaliijka oo is-casilay

Date:

Related stories

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Lubnaan Charbel Wehbe ayaa is-casilay Arbacadii, kadib markii uu sheegay hadal ka carreysiiyey Saudi Arabia, xilli Beirut oo ay dhaqaale xumo hayso, ay iska ilaalineyo khilaaf diblomaasi oo ay la yeelato dalkan ku yaalla Khaliijka ee hodanka ah. Wehbe ayaa Isniintii dood ka baxday taleefishinka ka sheegay, in soo bixitaanka Daacish ee […]

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Dibedda Lubnaan Charbel Wehbe ayaa is-casilay Arbacadii, kadib markii uu sheegay hadal ka carreysiiyey Saudi Arabia, xilli Beirut oo ay dhaqaale xumo hayso, ay iska ilaalineyo khilaaf diblomaasi oo ay la yeelato dalkan ku yaalla Khaliijka ee hodanka ah.

Wehbe ayaa Isniintii dood ka baxday taleefishinka ka sheegay, in soo bixitaanka Daacish ee gobolka ay ka shaqeeyeen dalalka Khaliijka, taasi oo dhalisay in safiirrada Lubnaan ee dhowr dal loo yeero.

- Advertisement -

Hoggaamiyayaasha Lubnaan ayaa kadib isku dayey inay qaboojiyaan xiisadda, waxaana Wehbe oo 67 jir ah uu bayaan kooban oo uu soo saaray kadib kulan uu la qaatay madaaxweyne Michel Aoun ku sheegay inuu codsaday “in xilka laga qaado”.

Saacado kadib, Aoun ayaa wasiirka difaacay Zeina Akar u magacaabay inay beddesho Wehbe, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay madaxtooyada.

Xiriirka dalalka Khaliijka iyo Lubnaan ayaa u qaboobay sababo la xiriirka saameynta siyaasadeed ee kordheysa ee kooxda Shiicada ah ee Xizbullah ay ku leedahay dalkaas, hase yeeshee Beirut ayaa taageero maaliyadeed oo cusub ka raadineysa xulufadeedii hore.

- Advertisement -

Lubnaan oo sanaddii tagtay ku guul-darreysatay inay iska bixiso deymaheeda, ayaa wajaheysa saboolnimo aan horey loo arag, mana damaanad qaadi karto adeeg koronto oo dhaafsiisan bisha June.

Doodda muranka dhalisa oo taleefishinka Al-Xurra ku dhex-martay isaga iyo nin Sacuudiyaan ah, ayuu Wehbe isaga baxay, isaga oo sheegay in aanu“aflagaadeyn karin Badawi.”

Wehbe ayaa xilka Wasiirka Arrimaha Dibedda Lubnaan si rasmi ah u hayey kaliya toddoba maalmood.

Kahor wuxuu 282 xilkan hayey isaga oo qeyb ka ah dowlad xil-gaarsiin ah taasi oo inteeda badan is-casishay kadib qaraxii bishii August 2020 ka dhacay dekedda Beirut.

Latest stories