HomeWararTaliyihii Ilaalada Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe oo Qarax lagu dilay

Taliyihii Ilaalada Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe oo Qarax lagu dilay

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Qarax xoogan ayaa duhurnimadii Maanta ka dhacay duleedka Bari ee Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle, kaasi oo lala eegtay gaari Tikniko ah oo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Hirshabeelle. Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa lala eegtay gaari uu saarnaa Taliyihii Ciidanka Ilaalada Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Qarax xoogan ayaa duhurnimadii Maanta ka dhacay duleedka Bari ee Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle, kaasi oo lala eegtay gaari Tikniko ah oo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Hirshabeelle.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa lala eegtay gaari uu saarnaa Taliyihii Ciidanka Ilaalada Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Mareyre Makaraan iyo Ciidamo la socday.

- Advertisement -

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxaas oo soo gaaray Ciidanka lala eegtay, waxaana la xaqiijiyay inuu ku geeriyooday Dhicisoow Maxamed Qeelshe oo ahaa Taliyihii Ciidanka Ilaalada Guddoomiyaha Shabeellaha Dhexe.

Sidoo kale waxaa dhaawacyo kala duwan ay soo gaareen 4 kamid ah Askar la socotay Taliye Dhicisoow Maxamed, kuwaasi oo la geeyay Xarun Caafimaad, waxaana qeyb kamid ah burburay gaariga ay saarnaayeen.

Ilaa iyo hadda Maamulka Hirshabeelle ayaan ka hadlin qaraxaas khasaaraha geystay ee ka dhacay duleedka Bari ee Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle oo jugtiisa laga maqlay deegaano ku dhow Jowhar.

- Advertisement -

Qaraxaan ayaa waxaa uu kusoo aadaya, iyada oo Maanta Magaalada Jowhar uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda iyo Kooxda Macwiisleyda, kaasi oo geystay khasaaro kala duwan, waxaana dadka ku dhintay kamid ahaa Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Hirshabeelle, halka mid kalena uu dhaawac soo gaaray.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts