HomeWararFarmaajo oo sheegay in aan lagu Eedeyn karin dib u dhaca Doorashada...

Farmaajo oo sheegay in aan lagu Eedeyn karin dib u dhaca Doorashada dalka

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maqaal uu ku qoray jariiradda Foreign Policy ee Maraykanka waxa uu ku sheegay in aan lagu eedeyn karin dib u dhaca doorashada. Mucaaradka Farmaajo iyo madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa ku eedeeyay in afartii sano ee uu xilka hayay uusan waxba ka qaban sidii ay dalka uga […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maqaal uu ku qoray jariiradda Foreign Policy ee Maraykanka waxa uu ku sheegay in aan lagu eedeyn karin dib u dhaca doorashada.

Mucaaradka Farmaajo iyo madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa ku eedeeyay in afartii sano ee uu xilka hayay uusan waxba ka qaban sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho qof iyo cod ah, isla markaana uu ku marmarsiiyoonayo arrinkaas.

- Advertisement -

Waxa uu ku dooday in tan iyo markii uu xukunka la wareegay February 2017 ay ka go’neyd in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho “qof iyo cod ah” si shacabka ay u helaan awood ay ku doortaan cidda ay doonaan.

“Doorashada Soomaaliya dib uguma dhicin in aan doonayo sii haysashada xukunka, balse waxaa arinkaa sabab u ah khilaaf kala qeybiyay dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah dowladaha xubnaha ka ah,” ayuu Farmaajo ku sheegay maqaalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in khilaafkaas uu salka ku hayo rabitaanka dowladdiisa ee ah in dalka ay ka dhacdo doorasho ay shacabka codkooda ka dhiibtaan iyo maamul goboleedyada oo uu sheegay inay rabaan doorasho dadban oo awoodda siisa dad kooban.

- Advertisement -

Madaxweynaha ayaa sheegay in isaga oo ka xun uu aqbalay heshiiskii doorashada ee 17-kii September 2020, balse uu ka socon waayay madaxda maamullada Puntland iyo Jubbaland.

Madaxweyneyaasha Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa marar badan beeniyay eedeyntaas, waxaana ay sheegeen in dhanka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka fashilmay heshiiska, oo uu ka soo carooday.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts