HomeCaalamkaku dhawaad 25 qof oo ku dhintay Duqeymaha cirka ee Yuhuuddu ka...

ku dhawaad 25 qof oo ku dhintay Duqeymaha cirka ee Yuhuuddu ka waddo Gaza

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Duqeymaha cirka Israel ee magaalada Gaza ayaa Axadda maanta ah waxaa ku dhintay 23 qof, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza. Duqeynta maanta ayaa ahayd tii ugu dhimashada badneyd tan iyo markii uu toddobaadkii hore dagaalkan ka dhex qarxay Israel iyo Xamas. Subaxnimadii hore ee Axadda, Israel ayaa duqeysay guriga Yehya Al-Sinwar, oo ah […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Duqeymaha cirka Israel ee magaalada Gaza ayaa Axadda maanta ah waxaa ku dhintay 23 qof, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza. Duqeynta maanta ayaa ahayd tii ugu dhimashada badneyd tan iyo markii uu toddobaadkii hore dagaalkan ka dhex qarxay Israel iyo Xamas.

Subaxnimadii hore ee Axadda, Israel ayaa duqeysay guriga Yehya Al-Sinwar, oo ah Hoggaamiyaha ugu sarreeya Xamas ee Gaza, waxaana uu dagaalku galay maalintii toddobaad oo xiriir ah. Si rasmi ah looma oga in Sinwar uu guriga ku sugnaa iyo in kale. Wakaaladda wararka ee Associated Press ayaa warisay in ay “u badan tahay in isaga iyo madaxda kale ee kooxdu ay dhuumanayaan.”

- Advertisement -

Hady Amr, oo ah ku xigeenka kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka ee arrimaha Israel iyo Falastiin, ayaa ku sugan Israel waxaana lagu wadaa in Axadda maanta ah uu la kulmo hoggaamiyeyaasha Israel, ka dibna uu Daanta Galbeed kula kulmo saraakiisha Falastiiniyiinta si loo helo “xasillooni waarta,” ayay Waaxda Arrimaha Dibadda ku sheegtay qoraal ay soo saartay.

Sidoo kale, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa maanta xaaladda dagaalka socda kala hadli doona Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay.

Wasiiradda arrimaha dibedda ee Midowga Yurub ayaa iyana Talaadada yeelan doonaan shir muuqaal ah oo ay kaga hadlayaan dagaalka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Israel iyo Falastiiniyiinta.

- Advertisement -

Tan iyo markii uu dagaalku billowday Isniintii hore, ugu yaraan 145 Falastiiniyiin ah ayaa la dilay, oo ay ku jiraan ugu yaraan 41 carruur ah iyo 22 haween ah, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza. Ugu yaraan 8 Israa’iiliyiin ah ayaa lagu dilay weerarrada gantaalaha oo uu mid yahay canug 6 jir ahaa.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts