HomeWararSheekh Shariif oo farriin u diray Dhallinyarada Soomaaliyeed

Sheekh Shariif oo farriin u diray Dhallinyarada Soomaaliyeed

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa ka hadlay Maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee xuska Munaasabadda sanadguurada 78-aad ee aasaaskii ururkii gobannimo doonka ahaa ee SYL. Qoraal uu soo saaray Sheekh Shariif ayaa ku sheegay in dhalinyarada ay udub dhexaad u ahaayeen xoreynta dalka , isagoona dhalinyarada ku tilmaamay inay weli yihiin tiirka ay […]

- Advertisement -

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa ka hadlay Maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee xuska Munaasabadda sanadguurada 78-aad ee aasaaskii ururkii gobannimo doonka ahaa ee SYL.

Qoraal uu soo saaray Sheekh Shariif ayaa ku sheegay in dhalinyarada ay udub dhexaad u ahaayeen xoreynta dalka , isagoona dhalinyarada ku tilmaamay inay weli yihiin tiirka ay ku taagan tahay dowladnimada, uguna hambalyeeyay xuska 15-ka May.

- Advertisement -

Sidoo kale Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay siweyn uga dhex muuqdan Ciidanka Xoogga dalka, shaqaalaha rayidka ah iyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

“Waxaan bogaadinayaa dhallinyarada Soomaaliyeed xuska munaasabadda sanadguurada 78-aad ee aasaaskii ururkii gobannimo doonka ahaa ee SYL oo maanta ku beegan. Dhallinyaradu waxay udub dhexaad u ahaayeen xoreynta dalkeenna, walina waa tiirka ay ku taagan tahay dowladnimadeenna, marka la eego sida ay uga muuqdaan Ciidanka Xoogga Dalka, shaqaalaha rayidka ah iyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee bulshada” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Ugu dambeyn Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta ayaa waxaa uu Qoraalkiisa sii raaciyay “Maadaama ay bulshada maanta ka yihiin 75%, waxaan hubaa in dhallinyaradu ka mira dhalin karaan dibu dhiska dalkeenna”.

Latest stories