HomeWararMadaxweynaha Puntland Deni oo gaaray Magaalada Nairobi

Madaxweynaha Puntland Deni oo gaaray Magaalada Nairobi

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Addis Aabab ee Caasimadda dalka Itoobiya ayaa gaaray Magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Madaxweyne Deni ayaa waxaa uu safarkiisa Nairobi ku saabsan yahay dhaqaajinta mashruuca dhismaha wadada Magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo, kaas oo ay hadda gacanta ku hayso hay’adda Qaramada Midoobay […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Addis Aabab ee Caasimadda dalka Itoobiya ayaa gaaray Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweyne Deni ayaa waxaa uu safarkiisa Nairobi ku saabsan yahay dhaqaajinta mashruuca dhismaha wadada Magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo, kaas oo ay hadda gacanta ku hayso hay’adda Qaramada Midoobay ee UNOPS.

- Advertisement -

Warar la helayo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland uu sidoo kale Kenya kulan kula qaadan doono Madaxda hay’ado iyo Safaarado Soomaaliya ka taageera dhanka horrumarinta iyo Gargaarka Bani’aadanimada.

Sidoo kale Inta uu ku sugan yahay Madaxweyne Deni, Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa waxaa uu kulamo la qaadan doonaa Mas’uuliyiin ka tirsan dalkaas iyo xubno kamid ah Beesha Caalamka, isagoo kala hadli doona Arrimo kala duwan.

Madaxweynaha Puntland ayaa markii uu soo gaba-gabeeyo safarka uu ku joogo dalka Kenya ayaa waxaa uu u soo ambabixi doonaa Magaalada Muqdisho, si uu uga qeyb galo Shirka looga hadlayo Arrimaha doorashooyinka ee Madaxda la isugu yeeray, kaasi oo dhici doona 20-ka bishaan.

Latest stories