HomeCaalamkaGantaalo hor leh oo ku dhacay gudaha Israa’iil

Gantaalo hor leh oo ku dhacay gudaha Israa’iil

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Meta Oo Wajahaysa Dacwad $1.4 Tirilyan Ah

Shirkadda Meta ayaa maxkamad federaal ah kula kulmaysa 29 gobol oo Mareykanka ah, kuwaas oo ku eedeeyay inay Facebook iyo Instagram si ula kac ah uga dhigtay baro dhalinyarada ku dhejiya,

Trump Oo Sharciga U Arka Caqabad Ku Hortaagan Xil Saddexaad

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu mar saddexaad u tartamo xilka madaxweynaha, balse uu qiray in sharciga Mareykanka uu arrintaasi caqabad ku yahay.

Trump oo si qarsoodi ah uga baxay Turkiga kadib hanjabaad Iran ah

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay inuu si qarsoodi ah uga baxay Turkiga isagoo raacay diyaarad militari oo kale,

Dhul-gariir 7.4 Ah Oo Burburiyay Cathedral-ka Manizales

Dhul-gariir cabbirkiisu yahay 7.4 ayaa ku dhuftay Colombia, iyadoo magaalada Manizales laga soo sheegay burbur iyo waxyeello soo gaartay Cathedral taariikhi ah.

Ciidamada Difaaca Israel (IDF) ayaa hadda soo sheegaya in seddex gantaal laga soo tuuray dhanka Suuriya kuwaas oo ku aaddanaa Israel. Qoraal ay soo dhigeen barta Twitter-ka ayay IDF ku sheegtay in mid ka mid ah gantaalada “uu ku dhacay Suuriya”, iyadoo aan bixin faahfaahin dheeraad ah. Warbaahinta Israel ayaa ku warantay in labada gantaal […]

- Advertisement -

Ciidamada Difaaca Israel (IDF) ayaa hadda soo sheegaya in seddex gantaal laga soo tuuray dhanka Suuriya kuwaas oo ku aaddanaa Israel.

Qoraal ay soo dhigeen barta Twitter-ka ayay IDF ku sheegtay in mid ka mid ah gantaalada “uu ku dhacay Suuriya”, iyadoo aan bixin faahfaahin dheeraad ah.

- Advertisement -

Warbaahinta Israel ayaa ku warantay in labada gantaal ee kale ay ku dheceen dhul banaan, iyadoo aan la diiwaan galin wax dhaawac ah. Ma cadda cida ka dambeysay gantaalladan.

Dagaalka u dhexeeya Falastiiniyiinta iyo ciidammada amniga Israel ayaa ku fiday Daanta Galbeed, iyadoo la sheegay in 10 Falastiiniyiin ah ay dhinteen

Wadahadalo xoogan oo dhex dhexaadiyayaal caalami ah ay wadaan ayaa lagu soo warramayaa in ay socdaan. Ugu yaraan 122 qof ayaa lagu diley Qaza halka sideedna lagu diley Israa’iil tan iyo markii uu dagaalku billowday Isniintii.

Latest stories