HomeWararFarmaajo oo Ubax-dhiggay Taallada SYL farriina u diray Dhalinyarada

Farmaajo oo Ubax-dhiggay Taallada SYL farriina u diray Dhalinyarada

Date:

Related stories

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Wasiir Xoosh oo booqday matxafka Qaranka ee ciidanka Algeria

Wasiir Xoosh oo booqday Matxafka Qaranka ee Algeria. Wuxuu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo muhiimadda iskaashiga labada dal.

Digniin culus: Farmaajo oo Mareykanka kula Wadaagay khilaafka doorashada

Farmaajo oo kulan la qaatay diblomaasiyiinta Mareykanka, kuna digay doorasho hal dhinac ah. “Mucaaradku ma aqbali doono,

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo weynaynaya doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ee xorriyadda, midnimada iyo dowlad-dhiska dalka ayaa ubax dhigay Taallada Halgamayaasha SYL oo bud-dhig u ah halgankii dadka Soomaaliyeed ay iskaga dulqaadeen heeryadii gumeysiga.

Madaxweynaha ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 15-ka May oo ku beegan 78 guuradii Aas-aaska Golihii Dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL, isaga oo muujiyey qiimaha weyn ee maalintan ay u leedahay Ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, iyada oo Ciidammada Baambayda ay ku maamuusayeen Heesta Calanka iyo Astaanta Qaranka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa Taallada Halgameyaashii SYL waxa uu xus iyo duco ugu sameeyey dhallinyaradii 13-ka ahaa ee horseeday xornimada iyo midnimada dalka.

Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ku guubaabiyey in ay ilaashaadaan taariikhdoodii gobanimo doonka oo astaan u ah geesinimada, go’aan adaygga iyo kartida Ummadda Soomaaliyeed.

Munaasabadda Ubax-dhigga Taallada SYL waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir  Cumar Maxamuud Maxamed Filish iyo Ku-xigeennadiisa, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda xilgaarsiinta, Taliyeyaasha Ciidammada Qalabka Sida iyo dhallinyaro ka kala socotey 17-ka degmo ee gobolka Banaadir.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories