HomeWararCiidanka Puntland oo gacanta ku dhigay Nin hubeysan oo dil geystay

Ciidanka Puntland oo gacanta ku dhigay Nin hubeysan oo dil geystay

Date:

Related stories

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray kumannaan askari Xananbuure

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tababar u soo xiray kumannaan askari oo hal sano ku qaatay Xananbuure, kuwaas oo ah ciidamadii ugu badnaa ee tababar ku qaata gudaha dalka tan iyo burburkii 1991-kii.

Jeexjeexyada Maqaarka: Yaa Ku Dhaca, Ma La Daaweyn Karaa?

Jeexjeexyada maqaarka waa xarriiqo caadi ah oo ka dhalan kara miisaan isbeddel uur, koritaanka jirka ama arrimo hidde-side ah Laakiin maxa sababa, yaase ugu badan mase dhab ahaan waa la daaweyn karaa?

Ciidanka Booliska Nugaal ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgal qorsheysan ka sameeyay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulkaas, iyagoona kusoo qabtay Nin hubeysan. Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Nugaal Gaashaanle Sare Maxamed Aadan Jaamac ayaa sheegay in howlgalka lagu soo qabtay Nin hubeysan oo shalay qof shacab ah si bareer ah ugu dilay gudaha […]

- Advertisement -

Ciidanka Booliska Nugaal ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgal qorsheysan ka sameeyay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulkaas, iyagoona kusoo qabtay Nin hubeysan.

Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Nugaal Gaashaanle Sare Maxamed Aadan Jaamac ayaa sheegay in howlgalka lagu soo qabtay Nin hubeysan oo shalay qof shacab ah si bareer ah ugu dilay gudaha Magaalada Garoowe.

- Advertisement -

Taliye Maxamed Aadan ayaa Ninka gacanta lagu soo dhigay magacaabiisa ku sheegay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi, kaasi lagu xiray Saldhig Ciidan, isla markaana ay baaritaano kala duwan ku wadaan laamaha amniga Puntland.

Sidoo kale Ninka toogasha lagu dilay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Muuse Faarax oo kamid ahaa dadka deegaanka Magaalada Garoowe, in kastoo Taliska Booliska Nugaal uusan faah faahin ka bixiyay sababta keentay inuu dhaco falkaas.

Taliye ku xigeenka Saldhiga Gobolka Cabdulaahi Cabdi Cilmi (Boyaax) oo ka mid ahaa Saraakiishii soo qabtay Cabdiraxmaan Maxamed ayaa sheegay in wixii warbixin ah ay dib kasoo gudbin doonaan.

Latest stories