HomeCaalamkaFaransiiska oo qorsheynaya sharci ka dhan ah Islaamka iyo Erdogan oo si...

Faransiiska oo qorsheynaya sharci ka dhan ah Islaamka iyo Erdogan oo si kulul uga hadlay

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Arbacadii sharci cusub oo Faransiiska qorsheeyey in looga hortago wax loogu yeeray “gooni u goosashada Islaamiga ah”, kaasi oo uu ugu yeeray gowraca dimqoraadiyadda. Sharcigan qabyada ah ayaa waxaa aad looga cambaareeyey gudaha iyo dibedda Faransiiska, ayada oo loogu yeeray mid lagu liidayo Muslimiinta, islamarkaana siinaya dowladda quwado cusub […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Arbacadii sharci cusub oo Faransiiska qorsheeyey in looga hortago wax loogu yeeray “gooni u goosashada Islaamiga ah”, kaasi oo uu ugu yeeray gowraca dimqoraadiyadda.

Sharcigan qabyada ah ayaa waxaa aad looga cambaareeyey gudaha iyo dibedda Faransiiska, ayada oo loogu yeeray mid lagu liidayo Muslimiinta, islamarkaana siinaya dowladda quwado cusub oo ay ku xadiddo hadallada iyo kooxaha diimeed.

- Advertisement -

“Anisixinta sharciga, oo si furan uga hor-imanaya xuquuqda aadanaha, xoriyadda diinta iyo qayimka Yurub, wuxuu noqon doonaa gowrac lagu sameeyey dimoqraadiyadda Faransiiska,” ayuu yiri Erdogan oo khudbad ka jeediyey Ankara.

“Sharciga cusub waxa uu kaliya u adeegi doonaa qadiyadaha xagjirnimada, wuxuuna cadaadis saari doona ururada aan dowliga ah, kuna qasbi doonaa dhallinyarada inay kala doortaan diimahooda iyo waxbarashadooda,” ayuu yiri Erdogan.

“Waxaan ugu baaqeynaa mas’uuliyiinta Faransiiska, iyo si gaar ah madaxweynaha Macron inay u dhaqmaan si xakmad leh. Waxaan rajeyneynaa in si deg deg ah looga laabto sharciga.”

- Advertisement -

 

Erdogan ayaa sidoo kale sheegay inuu diyaar u yahay inuu Faransiiska kala shaqeeyo arrimaha amniga iyo is-dhexgalka, hase yeeshee xiriirka labada dal ayaa dhowaanahan xumaa.

Dowladda Faransiiska ayaa ku guda jirta hanaan ay ku ansixineyso sharci wax looga qabanayo wax ay ugu yeertay “gooni u goosad Islaami ah,” kaasi oo dowladda siinaya awoodo dheeri ah oo ay ku baarto kuna burburiso ururada diimeed ee loo arko inay halis ku yihiin qaranka.

Erdogan ayaa tallaabooyinka lasoo jeediyay ugu yeeray “Muslim diid.”

Bishii October ee 2020, Erdogan ayaa su’aal ka keenay “caafimaadka maskaxeed” ee Macron, isaga oo ku eedeeyey inuu qaaday “olole naceyb ah” oo ka dhan ah Islaamka, kadib markii madaxweynaha Faransiiska uu difaacay “xuquuqda” Farshaxamiistayaasha ay ku daabici karaan sawirro lagu matalayo Nebi Muxammed NNKH.

Latest stories