HomeWararMadaxweynaha Somaliland iyo Xisbiyada Mucaaradka oo ka wada hadlay Doorashada

Madaxweynaha Somaliland iyo Xisbiyada Mucaaradka oo ka wada hadlay Doorashada

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa shir-guddoomiyey kulan ballaaran oo lagu lafo-guray arrimaha qabsoomidda doorashooyinka ee Wakiillada iyo deegaanka, kaas oo maanta ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada.

Shirkan uu guddoominayey madaxweynuhu, ayaa waxa ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka, hoggaanka saddexda xisbi, xubnaha guddida doorashooyinka, guddoomiyaha maxkamadda sare, Xeer ilaaliyaha guud iyo ku-xigeenkiisa iyo xubno kamid ah golaha wasiirrada, waxana ay dhinacyadu si qoto u lafo-gureen sidii ay uga dhici lahayd doorasho heshiis lagu wada yahay.

- Advertisement -

Guddoomiyeyaasha xisbiyada UCID iyo WADDANI, Eng. Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali-waraabe) iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay si hagar la’aan ah diyaar ugu yihiin inay ka qabsoonto doorasho hufan oo waqtigeeda ku qabsoonta.

Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horrayn madaxda Axsaabta mucaaridka uga mahadceliyay dedaalka ay ka muujiyeen u diyaargarowga iyo qabsoomidda doorashada, isaga oo xubnaha Komishankana ku bogaadiyey inay muddo kooban ku dhaqangeliyeen inay dalka ka diyaariyaan doorasho dhinacyada oo dhammi ku kalsoon yihiin, qabsoomiddeedana  la wada sugayo.

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu caddeeyey inay xukuumad ahaan diyaariyeen Kharashkii iyo ilaalinta dhammaanba goobaha ay doorashadu ka qabsoomi doonto, isaga oo bulshada reer Somaliland-na usoo jeediyey inay doorashada u diyaar garoobaan, kana dheeraadaan wax kasta oo caqabad ku noqon kara doorashada.

- Advertisement -

Latest stories