HomeWararKhasaaraha Qaraxa lala beegsaday Saraakiisha Ciidan oo la shaaciyay

Khasaaraha Qaraxa lala beegsaday Saraakiisha Ciidan oo la shaaciyay

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Taliska Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay Qarax is-miidaamin ah oo xalay lagu weeraray Saldhiga Booliska degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir oo ku yaalla wadada maka Al-mukarama. Afhayeenka Booliska Sadiiq Aadan Doodishe oo saqdii dhexe ee xalay warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in qaraxa uu fuliyay isku soo xiray […]

- Advertisement -

Taliska Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay Qarax is-miidaamin ah oo xalay lagu weeraray Saldhiga Booliska degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir oo ku yaalla wadada maka Al-mukarama.

Afhayeenka Booliska Sadiiq Aadan Doodishe oo saqdii dhexe ee xalay warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in qaraxa uu fuliyay isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa, uuna isku qarxiyey afaafka hore ee Saldhiga oo ay ku sugnaayen Saraakiil Ciidan.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay Afhayeenka in qaraxa oo jugiisa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka uu geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Saraakiil Ciidan iyo dad shacab ah oo marayay wadada xiligaas.

Afhayeen Doodishe ayaa xaqiijiyay inay qaraxa ay ku dhinteen 6 ruux oo ay ku jiraan Taliyihii Saldhiga Booliska Waaberi Gaashaanle Axmed Cabdulahi Baashane oo loo yaqaanay (Calooley), Taliye ku-xigeenkii qeybta Waliyoow Cadde, Saddex Askari iyo qof shacab ahaa.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay inay dhaawacyo qaraxii xalay kasoo gaareen 6 Lix qof oo ay ku jiraan Saraakiil Ciidan iyo dad kale oo shacab ah, kuwaasi oo haatan lagu dabiibayo xaaladooda Caafimaad Isbitaalo ku yaalla Muqdisho.

- Advertisement -

Ugu dambeyn Afhayeenka Booliska ayaa caddeeyay in aysan marnaba Al-shabaab u joojin doonin shaqada ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan, isla markaana xusay in Saraakiisha la weeraray, iyada oo lagu jiro 10-kii dambe ee bisha Ramadaan.

Latest stories