HomeWararFaah faahin kasoo baxeysa Shil khasaaro geystay oo ka dhacay Somaliland

Faah faahin kasoo baxeysa Shil khasaaro geystay oo ka dhacay Somaliland

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Wararka aan ka heleyno Gobolka Togdheer ee Somaliland ayaa waxaa ay ku warramayaan in barqanimadii Maanta halkaas uu ka dhacay Shil gaari oo geystay khasaaro dhaawac ah.

Shilkaas ayaa yimid, kadib markii gaari nooca Soomaalida u taqaano deyno uu ku dhacay laba gaari oo nooca raaxada ah, xili ay isaga hor yimideen inta u dhaxeeysa deegaanada Kalasharka iyo Galoolay oo dhinaca koonfureed kaga beegan Magaalada Burco.

Dad tegay goobta uu shilku ka dhacay ayaa waxaa ay sheegeen in shilkaas ay ku dhaawacmeen laba qof, kuwaasi oo la geeyay Isbitaal, iyadoona uusan jirin wax kale oo khasaaero ah kana dhashay shilkaas.

Sawirro laga soo qaaday gaadiidka isku dhacay ayaa muujinayay in gaariga weyn oo ku socday xawaare sare uu ku dhacay laba gaari oo raaxo ah oo ku socdaalayay wadada xiriirisa Kalasharka iyo Galoolay ee hoostega Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdhreer.

Deegaano ka tirsan Somaliland ayaa waxaa dhowr jeer horey uga dhacay shilal kala duwan oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac, waxaana inta badan loo sababeeyaa shilalka darawalada oo xawaare sare ku wada gaadiidka.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories