HomeCaalamkaBaarlamaanka Koonfurta Suudan oo si lama filaan loo kala diray

Baarlamaanka Koonfurta Suudan oo si lama filaan loo kala diray

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Madaxweynaha Suudaanta Konfureed Salva Kiir ayaa kala diray Baarlamaanka dalkaas si loo soo magacaabo xildhibaanno ka tirsan mucaaradka. Ururada bulshada rayidka iyo dadka u doodo xuquuqul insaanka ayaa sheegay in go’aankan in muddo laga dhuur sugayay. Heshiis nabadeed oo saddex sano ka hor ay dowladda iyo mucaaradka galeen ayaa dhigayay in afar meelood meel xildhibaanada […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Suudaanta Konfureed Salva Kiir ayaa kala diray Baarlamaanka dalkaas si loo soo magacaabo xildhibaanno ka tirsan mucaaradka.

Ururada bulshada rayidka iyo dadka u doodo xuquuqul insaanka ayaa sheegay in go’aankan in muddo laga dhuur sugayay.

- Advertisement -

Heshiis nabadeed oo saddex sano ka hor ay dowladda iyo mucaaradka galeen ayaa dhigayay in afar meelood meel xildhibaanada lasoo magacaabayo ay kasoo jeedaan mucaaradka u hoggaamiyo Riek Machar.

Halka inta badan xildhibaanada lasoo magacaabayo ay noqon doonaan kuwa ka tirsan xisbiga haya talada ee SPLM.

Xildhibaanada waxaa soo xushaa xisbiyada kala duwan ee dalkaas.

- Advertisement -

Dagaalkii ka dhacay South Sudan sanadkii 2013-kii, waxaa ku dhintay ugu yaraan 380,000 qof halka malaayiin qofna ay ka qaxeen guryahooda.

 

Latest stories