HomeCaalamkaMareykanka oo War ka soo saaray dalka uu ku wajahan yahay Gantaalka

Mareykanka oo War ka soo saaray dalka uu ku wajahan yahay Gantaalka

Date:

Related stories

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Ilo Milliteri oo Maraykan ah ayaa sheegay in Gantaalka Shiinaha uu jihadi beelay, lana filayo inuu ku dhaco mid ka mid ah dalalka ku yaalla Bartamaha Qaaradda Asia. Ilaha Milliteri ayaa waxaa sheegeen inay suurtogal tahay inuu Gantaalka Shiinaha ee Long March 5B Y2 ku dhaco dalka Tajikistan ama dalka kale ee Turkmenistan. Abaaraha 07-da […]

- Advertisement -

Ilo Milliteri oo Maraykan ah ayaa sheegay in Gantaalka Shiinaha uu jihadi beelay, lana filayo inuu ku dhaco mid ka mid ah dalalka ku yaalla Bartamaha Qaaradda Asia.

Ilaha Milliteri ayaa waxaa sheegeen inay suurtogal tahay inuu Gantaalka Shiinaha ee Long March 5B Y2 ku dhaco dalka Tajikistan ama dalka kale ee Turkmenistan.

- Advertisement -

Abaaraha 07-da iyo barka fiidnimo (07:30 PM) ee Xilliga Bartamaha Qaaradda Asia (Abaaraha 11:30 PM ee Xilliga Washington ama 03:30 saqda Dhexe ee Waaberiga Axadda ee magaalladda Dubai) ayaana la filayaa inuu Gantaalkaasi ku habsado mid ka mid ah labadaasi dal.

Dhinaca Guddiga xaaladda deg-dega Federalka Suudan ee u qaabilsan Gobalka Waqooyiga dalkaasi ayaa xalay kulan Deg-deg ah ka yeeshay Digniinta ku Aadan inuu Gantaalka Shiinaha ee Long March 5B Y2 ee la xakamayn waayey uu ku habsan doono Gobalkaasi oo u badan Lama-Degaan.

Kooxaha Gurmadka iyo Ciidanka Maddaniga ee Gobalkaasi ayaa heegan la celiyey, si ay ula tacaalaan haddii uu Gantaalkaasi ku dhaco Goobaha ay daadku ku badan yihiin ee Gobalkaasi.

- Advertisement -

Mar sii horreysay  Afhayeenka Ciiddamada ee dalka Shiinaha, Wan Wenbin waxa uu u  sheegay Wargeyska Global Times in inta badan Gantaalkaasi uu ku burburi doono Hawada Sare, ka hor inta uusan dhulka ku soo dhicin.

Latest stories