HomeCaalamkaCarruur yaryar oo ku geeriyootay Gaari ay ku dhex caburmeen

Carruur yaryar oo ku geeriyootay Gaari ay ku dhex caburmeen

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Ciidanka Booliska dalka Iraaq ayaa sheegay in 2 wiil iyo gabar Walaalo ah ay ku neef qabitoomeen gaari looga dhex tegay. Dhacdadaasi ayaa waxaa ay Maanta ka dhacday Xaafadda Albaladiyah ee Magaalaada Baqdaad, iyadoo Waalidka carruurtaasi kaga dhex tegay gaarigiisa oo daaqadaha u xirnaayeen, xilli uu kuleyl daran Maanta ka jiray Caasimadda Baqdaad. Waalidka ayaa […]

- Advertisement -

Ciidanka Booliska dalka Iraaq ayaa sheegay in 2 wiil iyo gabar Walaalo ah ay ku neef qabitoomeen gaari looga dhex tegay.

Dhacdadaasi ayaa waxaa ay Maanta ka dhacday Xaafadda Albaladiyah ee Magaalaada Baqdaad, iyadoo Waalidka carruurtaasi kaga dhex tegay gaarigiisa oo daaqadaha u xirnaayeen, xilli uu kuleyl daran Maanta ka jiray Caasimadda Baqdaad.

- Advertisement -

Waalidka ayaa dayacay Carruurta oo uu keligooda ku dhex xiray gaarigiisa, iyadoo aysan dad ka da’ weyn ku wehlinin gaariga looga dhex tegay. Carruurtaasi waxay da’deeda kala aheyd 2 jir iyo 3 jir.

Baaritaanka hordhaca ee Ciiddanka Ammaanka ayaa muujinaya inay Carruurta u geeriyoodeen kuleylka ay xamili waayeen, iyadoo Mukayfja ama Air Conditioner-ka gaariga dansanaa, daaqaduhuna ay wada xirnaayeen.

Dadka kunool Caasimadda dalka Ciraaq ee Baqdaad ayaa siweyn uga naxay dhacadaan markii maqleen, isla markaana waxaa baraha Bulshada hareysay falcelinta dadka Ciraaqiyiinta ee la xiriirta dayaca carruurtaasi u geeriyoodeen.

Latest stories