HomeWararSawirro:-Ciidamadii kasoo horjeeday muddo kororsiga oo ka baxay Muqdisho

Sawirro:-Ciidamadii kasoo horjeeday muddo kororsiga oo ka baxay Muqdisho

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho isaga baxay Ciidamadii Milateriga dowladda Federaalka ee kasoo horjeeday muddo kordhintii loo sameeyay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Farmaajo, kuwaasi oo horey u soo galay Magaalada. Ciidamada oo wata oo gaadiid farabadan oo nooca dagaalka ayaa la isugu geeyay waqooyiga Muqdisho, iyagoona dib ugu laabanaya furimaha dagaalka Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo deegaano […]

- Advertisement -

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho isaga baxay Ciidamadii Milateriga dowladda Federaalka ee kasoo horjeeday muddo kordhintii loo sameeyay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Farmaajo, kuwaasi oo horey u soo galay Magaalada.

Ciidamada oo wata oo gaadiid farabadan oo nooca dagaalka ayaa la isugu geeyay waqooyiga Muqdisho, iyagoona dib ugu laabanaya furimaha dagaalka Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo deegaano kale oo ka tirsan Gobolkaas oo ka yimideen.

- Advertisement -

Ciidamadaan ka baxay Magaalada Muqdisho ayaa dhufeyso ka sameeystay degmooyinka Kaaraan, Cabdicaiis, Yaaqshiid iyo degmooyin kale oo ka tirsan Gobolka Banaadir, waxaana xusid mudan in Ciidankaas ay dagaal la galeen Ciidanka dowladda gaar ahaan kuwa Gorgor.

Ra’iiul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay kormeeray howsha lagu furayay, islamarkaana ciidammada looga qaadayay waddooyinkii ku xirmay qalalaasihii dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Xukuumadda iyo Mucaaradka ayaa heshiis rasmi ah ka gaaray qalalaasihii ka dhacay Caasimadda ee ka dhashay muddo kordhintii loo sameeyay Madaxweyne Farmaajo, waxaana Ciidamada loo balan qaaday in xuquuqdooda la siinayo.

- Advertisement -

Latest stories