HomeWararRa’iisul Wasaare Rooble oo Maanta ku wajahan Sacuudiga + ujeedkiisa

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Maanta ku wajahan Sacuudiga + ujeedkiisa

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa inay u ambabaxaan Magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga. Ujeedka socdaalka Rooble ayaa waxaa uu yahay gudashada waajibaadka Cimrada, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in diyaarad qaas ah Boqortooyada Sacuudiga u soo dirtay Ra’iisul Wasaaraha oo maanta duhurki ka […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa inay u ambabaxaan Magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga.

Ujeedka socdaalka Rooble ayaa waxaa uu yahay gudashada waajibaadka Cimrada, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in diyaarad qaas ah Boqortooyada Sacuudiga u soo dirtay Ra’iisul Wasaaraha oo maanta duhurki ka qaadi doonta Muqdisho.

- Advertisement -

Sida uu qorshahu yahay Ra’iisul Wasaaraha waxaa uu u tegi doonaa labada Xaram ee  Shariifaynka ee Maka Al-mukarama iyo Madiintul-Munawara, si uu ugu soo cibaadaysto maalmaha u dambeeya ee bishan barakaysan ee Ramadaan.

Sidoo kale inta uu ku sugan yahay Magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga ayaa waxaa uu kulamo kala duwan oo ah kuwo Diplomaasiyadeed uu la yeelan doonaa qaar kamid ah Madaxda Sacuudiga.

Safarka Rooble ayaa noqon doona kii saddexaad ee uu Dibedda ugu ambabaxayo tan iyo markii loo magacaabay xilka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda bishii September 17-dii ee sanadkii hore ee 2020-ka.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa uu horey booqasho ugu tegay dalalka Qatar iyo Kuweyt oo ka tirsan Golaha Iskaashiga dalalka Khaliijka (The Gulf Cooperation Council) ee GCC.

Latest stories