HomeWararSawirro:-Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Degmo ka tirsan G/Banaadir

Sawirro:-Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Degmo ka tirsan G/Banaadir

Date:

Related stories

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya xoogan oo barqanimadii Maanta ka dhacay xaafad ka tirsan degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, kaasi oo jugtiisa laga maqlay degmooyinka ku dhow Kaxda. Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa lala eegtay gaari nooca Soomaalida u taqaano SURF oo ay la socdeen saddex ruux, waxaana […]

- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya xoogan oo barqanimadii Maanta ka dhacay xaafad ka tirsan degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, kaasi oo jugtiisa laga maqlay degmooyinka ku dhow Kaxda.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa lala eegtay gaari nooca Soomaalida u taqaano SURF oo ay la socdeen saddex ruux, waxaana qaraxaas ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

- Advertisement -

Gobjoogayaal la hadlay Dalsan ayaa u sheegay in qaraxaas ay ku dhinteen laba Nin oo Injineero ahaa iyo Darawalkii ku waday gaariga oo lagu sheegay inuu ahaa Askari, kuwaasi oo ku sii jeeday goob ay ka socotay dhimso Guri, waxaana ku dhaawacantay Haweeney wadada mareysay.

Ciidamo ka tirsan dowladda Feeraalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka degmada ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, isla markaana sameeyay baaritaano ku aadan qaraxa, iyagoona halkaas ka qaaday Meydadka dadka dhintay.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka Soomnaaliya oo ay uga hadlayaan qaraxaas khasaaraha geystay ee Maanta ka dhacay qeyb kamid ah degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.

- Advertisement -

Latest stories