HomeCaalamkaMasar iyo Turkiga oo Maanta u furmaya wada-hadal turxaan bixin ah

Masar iyo Turkiga oo Maanta u furmaya wada-hadal turxaan bixin ah

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Dowladaha Masar iyo Turkiga oo ku kala didsanaa Arrimaha Siyaasadda ayaa la filayaa inuu maanta oo Arbaco ah u bilowday Wada-xaajod Siyasadeed oo socon doona muddo 2 maalmood. Ku-xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Turkiga, Sedat Önal iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan Caasimadda dalka Masar ee Qaahira, isagoo Kulan la yeelan doona […]

- Advertisement -

Dowladaha Masar iyo Turkiga oo ku kala didsanaa Arrimaha Siyaasadda ayaa la filayaa inuu maanta oo Arbaco ah u bilowday Wada-xaajod Siyasadeed oo socon doona muddo 2 maalmood.

Ku-xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Turkiga, Sedat Önal iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan Caasimadda dalka Masar ee Qaahira, isagoo Kulan la yeelan doona dhigiisa dalkaasi, Hamdi Loza.

- Advertisement -

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Masaarida waxay shalay oo Talaado ahayd sheegtay in Kulamada Wada-xaajoodyada sahminta ee labada dal diirada lagu saari doono Tallaabooyinka muhiimka ah ee horseedi kara caadiyeynta Xiriiradda Labada Waddan (That may lead to the normalization of relations between the two countries).

Bilowgii bishii March, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Masar, Samiix Shukri waxa uu xqiijiyey inay Dowladiisa ka go’an tahay sidii ay xiriir dhow u yeelan lahaayeen Shacabka Masar iyo kuwa Turkishka.

W/Q: Ustaad Nuradin 

Latest stories