HomeWararDowladda Somalia oo ka qeyb gashay shirar looga hadlay Isbedelka Maaliyadda

Dowladda Somalia oo ka qeyb gashay shirar looga hadlay Isbedelka Maaliyadda

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Wasiirka Maaliyada Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Maanta qadka Internet-ka aalada fogaan araga ah ee ZOOM-ka uga qeyb galay shirar ay qabteen Bangiga Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika. Shirarka ayaa waxaa looga hadlay howlaha isbadalka Maaliyadda oo wali socda  iyo barnaamijyada muhiimka ah ee Bangiga Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika ka caawinayaan dowladda Federaalka. […]

- Advertisement -

Wasiirka Maaliyada Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Maanta qadka Internet-ka aalada fogaan araga ah ee ZOOM-ka uga qeyb galay shirar ay qabteen Bangiga Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika.

Shirarka ayaa waxaa looga hadlay howlaha isbadalka Maaliyadda oo wali socda  iyo barnaamijyada muhiimka ah ee Bangiga Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika ka caawinayaan dowladda Federaalka.

- Advertisement -

Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo Qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa waxaa uu ku sheegay in guushii dowladda ka gaartay deyn Cafinta ay shacabka Soomaaliyeed u furtay waddooyinka badan oo horseeday horumar balaaran.

“Maanta waxa aan ka qeyb galay shirar muhiim ah oo kala ahaa Bangiga Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika, waxa aan ka wada hadalnay howlaha isbadalka Maaliyadda oo wali socda iyo barnaamijyada muhiim ka ah ee ay naga caawiyaan labadaan hey’adood” ayuu yiri Wasiirka Maaliyada Xukuumadda xilgaarsiinta.

Sidoo kale Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Qoraalkiisa intaas kusii daray “Guushii deyn Cafinta waxa ay ummadda Soomaaliyeed u furtay waddooyin badan oo inoo horseeday faa’iido iyo horumar balaaran”.

- Advertisement -

Wasiir Beyle ayaa dhawaan sheegay in dowladda Federaalka ay dhaqaale xumidii ugu darneyd ay soo wajahday, isla markaana laga joojiyay dhaqaalihii uga imaan jiray dhinaca Beesha Caalamka, wixii ka dambeeyay Bishii Ogoosto ee sanadkii 2020.

Latest stories