HomeWararHowlgal lagu qabtay xubno ka tirsan Al-shabaab oo Maanta la fuliyay

Howlgal lagu qabtay xubno ka tirsan Al-shabaab oo Maanta la fuliyay

Date:

Related stories

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray kumannaan askari Xananbuure

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tababar u soo xiray kumannaan askari oo hal sano ku qaatay Xananbuure, kuwaas oo ah ciidamadii ugu badnaa ee tababar ku qaata gudaha dalka tan iyo burburkii 1991-kii.

Jeexjeexyada Maqaarka: Yaa Ku Dhaca, Ma La Daaweyn Karaa?

Jeexjeexyada maqaarka waa xarriiqo caadi ah oo ka dhalan kara miisaan isbeddel uur, koritaanka jirka ama arrimo hidde-side ah Laakiin maxa sababa, yaase ugu badan mase dhab ahaan waa la daaweyn karaa?

Ciidamada Xoogga dalka qeybta 60-aad ee howlgala deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay howlgal amniga lagu xaqiijinayay ka sameeyeen deegaano ka tirsan Gobolka Bakool. Ciidamada ayaa howlgalka sigaar ah uga fuliyay deegaanada kala ah Toos-wiine eel dhuun Adeegow, Goof-gaduud buurey iyo wadada aad dhinaca degmada Waajid ee Gobolka Bakool, halkaas oo la […]

- Advertisement -

Ciidamada Xoogga dalka qeybta 60-aad ee howlgala deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay howlgal amniga lagu xaqiijinayay ka sameeyeen deegaano ka tirsan Gobolka Bakool.

Ciidamada ayaa howlgalka sigaar ah uga fuliyay deegaanada kala ah Toos-wiine eel dhuun Adeegow, Goof-gaduud buurey iyo wadada aad dhinaca degmada Waajid ee Gobolka Bakool, halkaas oo la sheegay inay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab.

- Advertisement -

Saraakiil ka tirsan Ciidamada qeybta 06-aad ee Xoogga dalka ayaa waxaa ay sheegeen in inta uu socday howlgalka Ciidamada lagu soo qabtay dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab, kuwaasi oo la geeyay Xarun Ciidan.

Faah faahin intaas ka badan Saraakiisha Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed kama bixin howlgalkii Maanta ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan Gobolka Bakool, kaasi oo ujeedkiisa ahaa mid amniga lagu xaqiijinayay.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Maamulka ayaa dhowr jeer sidaan oo kale howlgalo ka dhan ah Al-shabaab uga sameeyay deegaano ka tirsan Koonfur Galbeed, waxaana xusid mudan in dhinacyada ay dhexmareen dagaalo kala duwan oo khasaaro geystay.

Latest stories